Gabayga: Saadaal
Suugaanta nimankii yaqiin, saalax iyo raage.
Salaan uguma luuqeeyiyo, saajicii Caliye.
Sula iyo wax-dheer buu ka tagay, saranjigeediiye.
Kol haday subeehiin yaryari, siidhi ku cayaarto.
Oo ay ka sacabaynayaan, soohdimaa carabta.
Sodon Cumar cigaalihi haday, seeriga ordayso.
Oo uu suldaan Walah ka kacay, suuqii xamarweyne.
Sayid Maxamed iyo Faaraxbay, cadhadu saamayne.
Aakhiro inay sugahayaan, saana la arkeeye.
Sabab waa cad baa lagu maratalay, siinadii hilibe.
Subaanyadana bahalbay kuwii, sugay ku sheegeene.
Siin waa dhareer baa la yidhi, waana saxariire.
Daruur sagal leh ceeryaamaday, suluf wadaagaane.
Haday socoto guumaysi waa, suurad gabadheede.
Magta inay hablaha siman yihiin, saana la arkee.
Darmaan sagaga soogaan mar dhala, oon sangaha jiidha.
Samoow qoodhagooy haduu, saylo ka eryoodo.
Siisaha yaryari qoobka wow, saaranaan jiraye.
Suryuu kaga dhaqaaqaa baquul, soo sin baabacaye.
Sool inuu surquun ugu bakhtiyo saana la arkee.
Saylaanka dhaaf oo hadhay, samaddu heehowdo.
Samuulad iyo cawl bay gu’gii, saada roob tahaye.
Sarta haduu ka doogsado xareed, saaca hiraabto.
Sidii la arki jiray baarqab waa, soocan jiray geele.
Sunuuf dhabiya waa yeelan jiray sogor ugaadheede.
Sanqadh uu ridiyo doobi waa, salaladiisiiye.
Sasna wuu gashaa qaalmihii, suub eryoon jiraye.
Sarmo gabana goortuu u dhigo, saydhana u raacsho.
Saqlo orodka iyo goojaday, wadda suneeyaane.
Suudhiga habeed inay xulaan, saana la arkeeye.
Seenyooy ragii maali jiray, same ku laafyooye.
Saablayda niman baa ku shuba, suluxii heemaale.
Sad ninkii qabaa kama tageen, sabo nugaaleede.
Seeriga ma jiidheen badwayn, sigashadeediiye.
Nina sixinta kama haayireen, seerma waydada’e
Sibidh kama xamaaleen, dahraan sabaradeediiye.
Sodon adhilihii baa fakaday, soonku gowracaye.
Surdi lacaga saacad iyo koodh ama surwaal dhuuban.
Waa suun Ilaah lehe haduu, siiyuhu u dhiibo.
Soomaalidiid inuu ku jiro, saana la arkee.
Sacii faarso yimi ee biyaha, soogal laga waayay.
Sarsar wuxuu wareegaba markuu, oon la solanyoobo.
sanduluu ku iman baa la yidhi, saaxdii loo qodaye.
Sirta iyo ninkii wacadka qabay, waa sidoo kala’e
Subagle iyo faalkii haduu, saac u bixin waayo.
Oo nimanka sibirta is gashaday, siicis laga waayo.
Dani seeto weeyee haday talo sadhaanyoowdo.
Inay saamaxaad soo dalbaan, saana la arkee.
Sideed iyo sideed iyo sagaal, sano markay gaadho.
Oo uu kunkuna saayid yahay tiro sabaanaadka.
Sardaanka iyo qowska isku, tagay iyo suraayaaga.
Saharkaa dayaxa gaadayee, sugaya duulaanka.
Sunbuuluhu haday soo baxaan, saxalka oo ciiray.
In wakhtigu salaadii iska rogo, saana la arkee.
Sidaa iyo sidaa iyo sideer, samataroow heedhe.
Suul iyo faro is dhaafsaniyo, sacabka oo qaawan.
Saraxa isku muuqdiyo miskaha, kala sinsaareeyey.
Sodon-guuradii soo gashaba, sooyadaa dhaca’e.
Samhariira meel noqotaybuu, saadiyaa galaw’e.
Nabsaa sida sinxiga dowrayoo, gelinba waa saace.
Niman shalayto sado haystaybaa, maanta saabirahe’
Mar uun baa sabool la hodmiyaa, sadho ku noolaane’.
Sareeyaha in suuq loo dawaro, saana la arkee.
Toga sulule daad soo rogmay,oo kor u sulaacyeeyay.
Kol hadii biyaha kor u sunsumay, sabanku saameeyo.
Sac maroodi dhala oo sidkama, saana la arkee.
Adoonyadan saloolka ah arladan, suurtii laga yaabi.
Dhulka samada heehaabayee, oo sindadab jiifa.
Atoorkii suquultamay intuu, geeska sudhay ciida.
Ee yidhi maroodigan sadahan, suunta mari maysid.
Salalaahu Nagiiba waa tii, uu ka saahidaye. (NNKH)
Sulsuul iyo salsaal inuu ku dhaco, saana la arkee.
Sacsac iyo waxbaa jirra aduun, saafi laga waaye.
Sagal waabaraa kala bedela, subaxda nuuroowe.
Soraca sunbada hooyadeed, waa la socotaaye.
Sinjigii ayeeyaad haween, kama salguuraane.
Siiqaha aduu kuu sitaa, sowdhe kuu xiga’e.
Surdub kula dhashaa kaaga daran, saydha qodaxeede.
Inuu waligii kugu soogan yahay, saana la arkee.
Saynlayda dumar waa horaa, seero loo jaraye.
Ragu wuxuu suldaan ugu ahaa, soofka xoolaha’e.
Sareedada iyo khayrkay inayna, saakin ku ahayde.
Maantana salaan baa u yaal, uu siyaad dhigaye.
Lama kala sareeyuu ku yidhi, sahankii guuleede.
Hayeeshee sidaaba u ogoli, saacadaha khayre.
dhulkoo laysku saa’ilay, haday siigo koru duusho.
Sayruuq dhalaaliyo madfaca, saamka lagu sheego.
Aniga iyo saxarla’aa u siman sigashadiisiiye.
Saami isma dheerine haday, salaxdu dhiigoowdo.
Salka inay ruxaan oo baqaan, saana la arkee.
Sarmaan gabanayd oo kol qudha, damalka seeraarta.
siiqsiiqlihii iyo gowlaladii, oo la sixi waayay.
Siligii xariirtoo dhacay, ay midhgooc sidato.
Siirada halkii lagu ogaa, saaxil uga guurtay.
Sa’ iyo ninkii siinka iyo, saadka kala sooca.
Ninka sugaya saahood tixdaan, soo silsiladeeyay.
Salsalkeeda maansada nikaa, saxaya weedhayda.
Salaan iyo jawaab inaan u diro, saana la arkee.
Tixdan waxaan ka soo qoray muuqaal uu kaydiyay Sidiic Cabdi Samad “Murtimeer”
Murtiyosuugaan
Qalinkii Mr: Cumar Ismaaciil Digeed