Gabayga:Ruunkii


Maxamed Cumar iyo nin ay ilma adeer ahaayeen oo la oran jiray Xirsi Maxamed . is ku qabteen in cidda loo raro xaggaa iyo Hara Digeed iyo in halkeeda laysaga daayo oo aan la rarin.

Maxamed wuxuu jeclaa !” in aan cidda la rarin isagoo eegaya dhinaca nabad galyada Xirsina wuxuu door bidayey in la raro oo ay Haradigeed u fiican tahay xoolaha badankooda. Xirsi wuxuu lahaa hal magaceeda la oran jiray Rabbo oo aad u caano badnayd, marka Maxamed Cumar ayaa xirsi gabaygan u tiriyey isagoo ku hal qabsanya Maxamed waxuu yidhi:-


Rukni dhexe Xirsow warkii xalayto, raadyuhu keenay
Ka rafaad ninkii adduun, raaxadeed qabaye
Roor oo dhig mooyee lawaa, raadkii nabadeede
Rug wanaagsan gaalkii lahaa, waa rucleeyahay

Ingiriis rogaal iyo colbaa ruuga, loo dhigaye
Nimankii rabayysnaan jiraa loo, ratibay gaadhe
Carabtii rumaadida ahayd rodol, ma miistaane
Raqiis laguma helo ashcaar, moodhar soo ragaye
Rugta yeedhi reemida dhacdiyo, raranka qiiqaaya
Quruumaha ridamaya ee, dagaalka isku reebi
Rubaanada kici intaan, waagu kala roorin
Raqda xeebta taaliyo bakhtiga, radadu keenayso

Inta roggan wax raad iyo naf laheen, ruuxna laga caymin
Daaraha ruqahayee madfaca, lugu rigaaxaayo
Malyuumadan ayaan lugu ridqeen, ruux kasoo cayman
Baabuurka reemahaya iyo, roorka lugu joogo
Ra’yigaaga unbaa ku yidh, Ramad ka caaneeye

Adunbaa raaxo raadiyee, raasamaal dhimaye
Rabbi tuugmo mooyee dadkii, hawo kale reebye
Intaad xoorkii Rabbadeed raadin, riiqan dunidiiye
Hunde ramaqa lagu sheegi, malaha raandhiis e
Laga raysan ruggihii banaan, ha u riyaaqina’e
War waa laysku soo raran yahee, hoos ha ii ridine
Inta reerka lay isugu imaan, haygu rogin Faafan

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo