Gabay: Waa Ragii


Ingiriiska iyo Miirada la socotey baa Col weyn ku kicisay Caligeri. Geel badan laga qaaday markaas baa Nin reer hagar ah oo La odhan jirey Gaani Cali Ducaale oo mar hore reer caligeri geel ka dheceen xabadna uga dhufteen gacan ayaa markuu maqlay in !” caligeri ingiriis geel ka dhacay,ayuu gabay digasho ah mariyey waxuu yidhi

Cabdiyow colkii wuxuu ku dhacay Caliyo haaruune
Isagoo cammiran baan ku furay cidhifka Laasoode
Ka cillaalay nimankuu kufrigu ciiraduu qabaye
Caska waaga maantuu gubnigu calan wallaynaayey
Uu labo cigaal doonayiyo cuurka bah Ugaadha
Waataan dadkii kale ku curay cago madowdiiye
Ceeg iyo iyaba Buulalley nama caqiibeyne
Ciriddii la dhigay Aabbahay Cali ma moogeyne
Haddii labada qolo ciilqab iyo caydh la hoganayso
Iyagaa carruurtoodu guran midhaha ciideede
Allaylehe cirna ha soo dumee Caligeraan dooray!
markaas baa ismaaciil mire gabay tiriyey uu kula hadlayey Gaani cali ducaale gabaygisii dhawr tuduc hadaan ka soo qaadano waxaa ka mid ahaa.

Anagu gaaniyow gacalka dhacan waaka gubanaaye
Gankaa naga xanuunsada wixii gaadha reer hagare
Gadhka iyo wadnaha buu nagaga yaal gabiga daaroode’e
Uma gabayno maantii Islaan GAALKU weeraro’e
Gabaygaas markuu maqlay CaliDhuux aad buu uga xanaaqay oo waxuu u qaatay Ismaaciil mire in uu baryayo ninka ku digtay markii reer caligeri Gaaladu gabagabaysay markaas buu Calidhuux geed la iskugu yimid gabaygan ka tiriyey gabaygan oo aad u dheeraa intan baan hada ka helnay waxuu yidhi:-

Ninla maagay oon midho yaraan lagu malaynin
Maanso Illaahay baroo macalinkeedii ah
Oo gabayga sida sheekh mufti ah miinka ka higaadsha.
In madhoodho loo soo diraa waa macno la’aane

Hadiise dhiig macaan leeyahay iyo maal lakala qaado
Ragu waa ragii gaaniyow riday minkiiniiye.
Waa ragii miskiin iyo agoon miidhan kaa dhigaye

Waa ragii maqaawiirta culus mariyey liishaane
Waa ragii musgale kaala dhigay maganta Iidoore.
Waa ragii maskii camay diliyo maqadinkiiniiye
Waa ragii mareegaha u furay maalin reer hagare’e

Sidii jaamac dalab loo mudmuday maadan moogayne
Magligaan ku gowracay ninkii maqashii dheeraaye
Mariinkiina waa tan watiyo macawistiisiiye

Miridhkiina waakaa ku yaal marada dhiigiiye
Dhalintii makaawida qabtay ee wada mushaaxaysay .
Meydkoodu waa tuu ahaa maadha oo kale’e

Muusanowgu wuxuu kuu ekaa maalintii hore’e
Miiq looma kala goyn ragaad magac wadaagteene.
Bal maxay macaash keentay dhaha maansadaad tirisay

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo