- Rag qabiilo weyn iyo gobbaan, soo qareensadaye
- Iidoorka qaylkiisa xumi, iguma qooqeene
- Nin qisaasi keentaan ahaye, qadaw ma joogeene
- Inaan qoorta laadlaadiyoon, quustay la i moodye
- Waa badan qabiil liicay oo, soo qandoodsadaye
- Qabniyo xoog qaddiimadiyo faro, qiimi lagu kuunyo
- Qudh la gooyey qaafilad la dhacay, qaad la kala hoyiyey
- Xeryo qaawan qayrooyin badan, qani la caydheeyey
- Qaadhkiisa geel lagu surmiyey, qori sagaalley ah
- Dhaaxey qabiilana dhaceen, qolana riixeene
- Ma qaddiimad meerin tolkay, waliba waa qaare
- Qaafada Ammaadin iyo Caamir, Qulul u soo guurye
- Qarrigii ka yimid Maalinguur, qoofalka ahayde
- Qudhicii Sabsabanuu Ugaas, Qayradii furaye
- Qorraxeyda weyn Keenadiid, qaarkii baa yimid
- Qabridaharre Faraskoodu waw, qoob aroor tagaye
- Xiddigii qalloocnaa wa kaa, soo qummaatiyey
- Qoodhay iyo xeraday inuu, qiil idiin baxaye
- Ha ka quusanina Eebahay, qaan ma duudsiye e
- Qorbaase aniga ii dheer, wuxuu qabo Ogaadeene
- Way lay qulquladeynayaa, haydin qoonsade e
- Ana sida duq qadaw laacin baan, qulubsi luudaaye
- Qiil baan u haystaa hadday, igu qalloocdaane
- Intaan qoriga weyniba i mudin, qodaxdu way laynin
- Qarni horre Bidhiidh suu lahaa, way i qabataaye
- Qudhaanjaa u yare meel hadday, kugu qaniinayso
- Qaarkeed habeenkaas hurdada, kaaba qadiyee e
- Ninkii gob ahi wuu qoomamayn, qawl xunuu yidhi e
- Ama wayska kay qabanayaa, iima quudhaba e
- Qanjaafila gumeedkaan afxumo, iga qarraaceyne
- Kolba kii qunbiyo nayl wataa, way qallacayaaye
- Dhaaxaad sidii qabay dhanaan, noo qudhqudhiseene
- Kolkan qayriddiinnoo jabtaa, waydin qabataaye
- Allahayow qilaaf idin dhexgali, qoysba dhan u rooro
- Qoof Eebe wuu badan yahaye, kolaad qamiisoodowdo
- Rabbi qoorta kuu gali wuxuu, qabo Ogaadeene…
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyi Suugaanta ee Murti
Qalinkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed