Kadib markii uu Abwaan Raage Ugaas Warfaa libaaxu ka qaaday xaaskiisii caanka ahayd ee uu aadka u jeclaa (Xaddiyo Nuur Yey, sida aan hore u xusnay), waxaa sidii caadada ahaan jirtay loogu xigsiisay gabadh da’ yar oo ay haweenaydaasi hore eedo u ahayd, taas oo magaceedu ahaa Xaliimo.
Xaaskii hore (Xaddiyo) waxay ahayd mid u roon, xushmad iyo qaddarin badan u haysa Raage, isla markaana isku darsatay gaarinimo iyo marwanimo. Raage Ugaas wuxuu dareemay in aan xaaladda gurigu sidii hore ahayn, labada gabdhoodna, inkastoo ay qaraabo yihiin, ay kala duwan yihiin dhinaca dabeecadda iyo nolosha. Dareenkaas is-beddelka ah iyo murugada xusuusta xaaskiisii hore ayuu Raage ku cabbiray gabaygan qiimaha badan, oo aan ka hayno tuducyadan hoose. Wuxuu yidhi:
- Illeyn caano way kala xidhmaan, dhayda iyo xoortu
- Illeyn xabbagta geedaha ku taal, gabal xadhaadh weeye
- Illeyn seeddigaa kuma xiltiro, xile haddaad weydo
- Allahayow xadhaadhaa anfaco, xalayto la siiyey
- Naa soo Xaliimoy Xaddiya, xaalna kama raacdid
- Naa soo dharkaagoon xumayn, xidhan aqoon maysid
- Naa soo tolkuba waa xurmee, kaba xishoon meysid
- Naa soo dabkuba wuu xudhmaaye, xaabo lama saaro
- Naa soo xalliin laguma dayo, xeedhadiyo weelka
- Naa soo ardaageer xunka ah, waana lama xaadho
Mar kale, adduun hawli kama dhamaatee, ayaa Ugaaskii walaalkii ahaa lasoo dhaawacay kolkaa ayuu isagoo go’aanka Ugaaska dhaliilsan wuxuu qafilay gabay aan ka hayno maanta tuducyadan hoose. Wuxuu yidhi:
- Nimaad caafimaadkiis talin, kuguna ceebeeyey
- Miyaa loo callaacala hayaa, caamo dhimanaysa
Mar uu isagu iska war bixinayey ayuu wuxuu mariyey gabay aan ka hayno tuducyadan hoose. Wuxuu markaana yidhi:
- Murti aniyo raggi la goor, waanu muranaaye
- Goortey martiyi reer timaad, waanu muranaaye
- Mar dagaal maryaha loo xidhana, waanu muranaaye
- Inta kale meheradey kalaan, maamushaa aniye
Mar kalana wa akii lahaa isagoo talo la gooyey dhaliilsanaa:
- Askar iyo rag odayaal ah iyo, Aw-Xirsiyo Yuusuf
- Ikhyaartii lahayd Muxumadow, adiyo Nuur Guure
- Haddaan eexo jirin oo arrini, saatan ka ahaatay
- Waayeel irdaha wuu gafaye, aaqilnimadoy ba
Kaydintt: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed