Gabaygii 9aad ee Silsiladdii Rayad (Gabaygii 1aad ee Maxamuud-Bidhiidh) Maxamuud Axmed Cali [Bidhiidh] ayaa si rasmi ah u soo galay Silsiladdii Rayad. Bidhiidh wuxuu halkan jawaab adag kaga bixinayaa Cali-dhuux, isagoo tixraacaya taariikho badan oo dhawr ah isla markaana si cad u weeraraya shaqsiyadda Cali-dhuux.

Wuxuu gabayga ku bilaabay isagoo isku ekaysiiyey awr qadhle ah oo aan loo dhawaan karin, halka uu Cali-dhuuxna la simay dawac qudhuf ah. Wuxuu sheegay inuu hore u quudhsanayey oo uu hadal ku khasaarin jirin, laakiin maadaama uu Cali-dhuux qadaf dhaafi waayey, waxaa waajib noqotay inuu hadda jarabaa (uu wax ka yidhaahdo).

๐ŸŽฏ Weerarka Iyo Tixraacyada Taariikhiga Ah Bidhiidh wuxuu hoosta ka xarriiqay sida uu Gaalka Cadi u qasay adduunka, taas oo keentay in maanta ay wada hadlaan dad aan isku heerba ahayn. Wuxuu Cali-dhuux ku eedeeyey inuusan caqli u gaar ah ku soo maagin, balse ay Isaaq soo direen, isla markaana uusan lahayn garasho uu isku celiyo. Wuxuu carabka ku dhuftay in hubkii Ingiriisku bixiyey uu sababay in tolka Cali-dhuux maanta la haawaysto.

Gabayaagu wuxuu ku dooday in tolkii Bidhiidh ay ku hawlanyihiin la dagaalanka gumaystaha, wakhti iyo xiisana aanay u haynin dagaal sokeeye. Wuxuu meesha ka saaray in dhibaatada Ingiriiska iyo gumaystuhu geysteen ay tahay sababta Cali-dhuux u faanfaaniyey, isagoo xusay in Ogaadeenku ahaa kuwii xirsiga u qaadi jiray Cali-dhuux iyo qoyskiisaba, iyagoo ka nixi jiray markii ay caydh fara madhan ahaayeen.

Intaa ka dib, wuxuu xusay dhawr qiso isagoo taariikh ahaan u soo qaatay:

Qisadii Gar Adag: Tani waxay ku saabsanayd ninkii ugu horreeyey taariikhda Soomaaliyeed ee nin kale dammaaciya (dumarkiisa u hanqal taaga). Bidhiidh wuxuu arkaa dhacdadaas inay tahay ceeb tolkii Cali-dhuux ku qufulan, meelna aanay uga bixi karin.

Qisadii Raritaanka: Wuxuu xusay qisadii Cali-dhuux u soo rartay Ciid iyo Doollo ka dib markii uu ka soo cararay tolkii, iyadoo ay jiraan niman uu godob ka galay oo dil la maaganaa. Sheekadani waxay la xidhiidhay gabadh siduu beydadku caddaynayaan. Bidhiidh wuxuu ku dooday in nimanka Ciid ay khalad ku yihiin inay gabadha u dhisaan isagoo sidaa u ceebaysan, laakiin wuxuu ku laab-riixday in cid kasta oo horay u soo dhawaysay ay hadda baratay waxa xurmo ah oo loo hayana aanay jirin.

๐Ÿ’€ Digniinta iyo Goodiga Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in isaga (Bidhiidh) iyo intii la hayb ahi ay si sharaf leh u dhimanayaan, halka Cali-dhuux uu xabaasha geli doono isagoo la mid ah qaandhuus ama dameer bakhtiyey.

Wuxuu Cali-dhuux ku guulguulay haddii uu Daarood yahay oo ay xumaanta Daarood dhibayso, maxaad uga gilgilan wayday waxa tolkaa lagu falay, bal cid kale oo aad hiil u gasho ha joogtee.

Wuxuu kale oo uu xusay in geelii Hagoogane ee Ingiriis iyo kuwii dabasocday ay ka soo qaadeen Daraawiish iyo jilbo Ogaadeen ka mid ah, aan Cali-dhuux waxba laga siinin inkastoo uu ku jiray raggii arrintaa u hawlgalay. Wuxuu ku yidhi “Qurbac fiigay ayuu Rayad raadso ku yidhi, qurbiciina waadba ka cabsatay inaad raadqaado.” Sidaa awgeed, fara-madhnaan ayaa lagu diray, ayuu Bidhiidh Cali-dhuux xusuusiyey.

Bidhiidh wuxuu ku dheeraaday sifayn toos ah oo ku saabsan shaqsiyadda Cali-dhuux, isagoo sheegay inuu yahay nin ceebaysan oo aan is-dhawrin. Wuxuu ugu goodiyey in xataa haddii ay tolkay ka hoostay, “Dhulbahante bakhtigayga uma dhawaan karo” cabsi iyo xusuusta wixii uu horay ugu geystay darteed.

Wuxuu wax ku tusaaleeyey in sacu ama neefka loโ€™da ahi aanu ku dhicin una dhawaan karin bakhtiga libaaxa cabsi awgeed.

Ugu dambayn, wuxuu ku soo xidhay goodi uu leeyahay: “Ingiriis markaan meel iska mariyo, Caloow, xaggeed galaysaa? Qoorta ayaan kaa xidhiye sidii aan horeba kuugu gali jiray.”

Bidhiidh wuxuu xaraf cusub ka bilaabay gabayga, kaas oo ah โ€œQ.โ€

Wuxuu yidhi:

Qadhle miciyo qoolaaban sidda, qodax sarmaan jiif ah

Koromada usoo qulub-dhistiyo, qeyrabka u todhiya

Kolkuu laba il-qooraansi dayo, ka is qurqurinaaya

Ama yara qandhuufaba damcaa ee, kol isa soo qoodo

Qallaciyo fajaasada markii uu, qam kaga siiyo

Kolkaasay dhir wada qoofaliyo, qodadka jiidhaane

Wax la qaab ah qudufooyinka, qaaxada is wadhaye

Qamaaciirka nagu fooraraad, qurux ku dhawrtaane

Qeyrooyinkii baanse nahay, kuu qalcayn jiraye

Inta qaylinaysaan qunbicin, una qadhaadhayne

Qaswal baanu ugu deeqi saa, kii quftaa dhamiye

Qaanjeer waqaa kugu qallidan, yaa quturan meele

Qammadkuu fadeexada ku simay, qaafil oo dhamiye

Ceeb laga qashaafaa hadday, magac dad qaamayso

Qunburtii Gar Adag baan sidii, loo qumaatiyiye[3]

Calow qumayo geedkeed la helay, malaha qoomaale

Ilma Qaaje gabadhoodii aad, qonoftay ee laacday

Kama quusan Cumar Qoobgaraar, qaashna kuu tumaye

Qabri Dahare tagidaadu waa, qaanta gabadhiiye

Qoraxeyna yaa xilo qurdho ah, kaaga dhigay qoyska

Tar-qabaale duulkii qaldamay, kugu qasaarowye

Wixii jeer ku qaabilay gadaal, kuu qadarin waaye[4]

Idinkoo qadduuc hadashayaa, qawlalka is furaye

Dad quwaaxyo ruug iyo ahaa, dacar qadhaabyeysan

Qalab nalagu layn iyo Kufrigu, daba qalaal siiyey

Iyo wada qaraamaad dhankuu,[5] Quustarka[6] u buuxshay

Qushigiina xaajada qalaad eed, ku qulushaane

Quruun cadow ah gaalada ahayd, maba qarsoonayne

Xawal daar qudhmuune ah  kolkii, aad u qabbaanayso

Qiijimo bax kuuguma fillee, kaad u qabaluusto[7]

Qadhmaysiga[8] waxaa ku baday, qaaracnimadiiye[9]

Geeri qaaliyaan dhiman[10] haddaad, noqotay qaandhuuse[11]

Isku qeyrna ma ahayn dadkuye, gaal qasaa yimide

Kolkuu inan-gumeedkii qoslaa, gobi qamuunyoone

Quwaddiyo markii uu dhisnaa, xoogga qarankaygu

Qormo nalama soo yeelan jirin, duul qayuucsanuye

Qaskaan hilibka kaa siin jiriyo, qalambi xaabxaabe

Faranjiga na qoor goynhaya ee, qoriga kuu dhiibtay

Ogaadeena wada qawracaad, qooqba ku hawoone

Qiro iyo lixaad kuguma ogi, waadse qarawdaane

Wixii qoorjar kuu fiiqay ee, qurudka kaa gooyey

Eed qadafkan nagu taarateen, waa ququmo gaale

Nin qarkiyo qaryaanadii tolkay, waa qudh jarayeene

Gabdho wada qureeshana nijaar, aad u qallayseene

Buuryada qanjaha kuusanee, loo qafaalaayo

Qurmaajowgu Cali Aadanow, waaba kula qeyre

Qof  Daarood haddaad tahay gabdhihii, maad qoqobe saartid

Qasab bay ku haystaan iyagoon, qaali cidu gayne

Sheekadii qarkaa laga baxshiyo, qudhicii Daahyaale

Geelii Orobo naga qaadhatiyo, qoolasta irmaana

Ilma Raabi kii laga qunsaday ee, qurbucu fiigay

Caliyow wax kama qaadanine, way ku qadiyeene

Qurbicii habeenkii lumay ee, doonid laga quustay

Rayad[12] wuxuu qorshaba kaaga dhigay, raadso oo qabo e

Kase qanacday qaanka u baxsaday, qaali iyo gawdhe

Qarqarada qandiga ceebta iyo, dhawr qunbood sudhatay

Dhabligaad[13] qamlaynayso ee, laga qalaalyoodo

Kol haddadan sidii ruux qalbi leh, uga qashaafaynin

Ma qummana qolyaha kuu dhawee, kula qoslaayaaye

Maxaa yeelay qawsaar xilliyo, qoobis baa tahaye

Wixii Ido qaruufey ku taal, qolof uraysaaye

Si aad noo qardooftay Isaaq, kugu qoddeeyaane

Caqli fiiro qeybshiyo xusuus, kaa qabtaan jirine

Qundo iyo qawaar naac iska leh, ama qadduuc waalan

Quruun sheexi weydiyo hadday, qeyro saa noqoto

Qorrax soo bixii xero qolqola, awr qandici raamsi

Riti baabad hilib uu qashiyo, quud ka barideene[14]

Inta qaran-jab nagu foorartiyo, Orobo qoolkeeda

Quracadda xanuunka leh kolkaan, cadho la qiiroono

Qashinkiina[15] hoosaa dhawaaq, qaaq yidhaa faraxe

In kastoo aad been qiiq yaryara, soo qulqulinayso

Qadhle ama Qayaashaw libaax, qoodh ahaan jirayba

Naftoo laga qibloodiyo hadduu, qalaf yidhaa geeri

Sac qamaamay kama leefi karo, meel qadaadka ahe

Qerbe saama doofaar ahiyo, qoonkii dhaansanayey

Adoo qurub nijaasiyo la cuna, daribta qaansiirka

Qisadeedu waa kow sidaad, nagu qardooftaane

Calow qaansalaydiyo adigaa, soo qalaadinaya

Qabow tii aad moodeen, way kugu qarxaysaaye

Qiimahiinu wuu simanyihiyo, qoysaskiinuba e

Kolkaan maansadayda oo qalbacan, kuu qayaxo maanta

Qadhiidhaan idhaahdaba dibbaan, kuu qawadayaaye

Qudhaanjaa u yaroo meel hadday, kugu qaniinayso

Qaarkeed ayaantaa hurdada, kaaba qadiyaaye

Kolkolbaa qaniinyada duqsiga, lala qayuucaaye

Qulatayn laโ€™aan iyo haddii, weyso lagu qaato

Qasligaba biyaha waa jiraa, qaar aan maydhinuye  

Ragse gob ihi wuu qoomamayn, qawl xunoo yidhiye

Ama wayska kay qabanayaa, iima quudhaba e

Qanjaafulo gummeedkaan af-xumo, naga qaraacaynin

Qeylyahow haddana qeylku dhalay, ee qurjiga dheeru

Adunbaaba noo qayshadaye, waan ku quudhsadaye

Ingiriis markaan quusinaan, qoorta kaa xidhiye

Qisaas maalintaan kuu dabrado, qabasho waa duufe

Sida maganta jeerkii Qardhood,[16] yaad qanbiyi dhaaxe

Awalbaad qaraabana gabtiyo, Reer Qandhicileeye[17]

Qunyar kaadso oo dhawr, sidaan kuu qabiran doono

[3] Saddexda qiso ee aan kor ku xusnay midda 1aad

[4] Saddexda qiso ee aan kor ku xusnay midda 2aad

[5] Qaraamaad-dhan: qaaraan ama dawarsi ku nool.  Cali-dhuux iyo tolkii ayuu ku sheegayaa inay ku noolaan jireen xirsiga ama dawarsiga ay ka helaan Ogaadeen dhexdii

[6] Qori Uustar la odhan jiray (Uustar-Dheere iyo Uustar-Gaab.)  Erayga abwaanku wuu jabiyey oo wuxuu qorigii ugu yeedhay Quustar si uu qaafiyadda gabayga u waafajiyo 

[7] Qabaluus:

[8] Qadhmaysi: Dawarsi ama baryo meelaha lala wareego

[9] Qaarac: Qof hunguri weyn

[10] Magac iyo sharaf ayaan ku dhiman ayuu leeyahay

[11] Qaandhuus: eray Soomaalidu u taqaan bakhtiga dameeraka

[12] Beyd kale oo ku tusaya magaca saxda ah ee silsiladdan

[13] Dhabli waa ceeb ama fadeexo aad u xun; ku xusuuso meeriska Maxamed Cumar Dage ee ah bal inay dhabliga meeriyaan, aad u maqashiiya ee gadaal ka iman doona

[14] Saddexda qiso ee aan hodhaca gabayga ku xusay midda ugu dambaysa ama 3aad

[15] Harti ayuu u jeedaa

[16] Qardho: degmo degmooyinka Gobolka Bari ee Soomaaliyeed ka mid ah

[17] Reer Qandhicilley:ย  Bah Qandhicilley waxaa la isku yidhaahdaa shan jilib oo Hari ah oo Dhulbahante ka mid yahay.ย  Afarta kale waxay kala yihiin: Kaskiiqabe, Liibaan Geshe, Geesaguule, iyo Quud.ย  Gabayaagu halkan wuxuu ujeedaa awalbaad Hartiga kalena collowdeen oo ayna wax arxan ah kuu ahayn.

aanta ee Murti

Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo