- Walow aan qiyaamihii tusayoon qalin jab gaadhsiiyey
- Bal qooraansi waa lagu dayaa toore sii qayane
- Baqalla qayl dameeraa dhaliyo geenyo qurux weyne
- Qabaal weynse uma buuxinine qow yar waan odhane
- Dawac quduf ah iyo dhurwaa qaardanbaha gaaban
- Qarridiyo wixii habar dugaag meel qarfale joogay
- In kastuu qaloonbiyahayuu aad isugu qaylyo
- Qudra ma leh qabkooduna cabbaar hay qurquriyeene
- Qabaabaale aar ihi markuu dirir u qaashaysto
- Qudhyankiisa feedhaha inuu qoonsaday garane
- Qayrabkoodii miidhnaa intaan lagaga qaw siinin
- Qandhuufada libaaxiyo intaan qoobku wali gaadhin
- Qaxootiga baqaha waa inay qabax ka siiyaane
- Â In kastoon qadhiidhay oon tufayoo gooyey qudhiciiba
- Qufiddiyo qabuuraha markuu qodis ka dayn waayo
- Qabri dhidar wuxuu ugu tagaa shay qalaadya ahe
- Dadkanaga cadaawihii qaldaye qiiqa ugu dhuuntay
- Qodobada xornimadoodi bay uga qisoodaan
- Qulaanquliyo raacsiinta ay nagu qayaamaysay
- Bal maantaan qufaynaa waxay been qobtolayeene
- Qaxar lagu halgamay sheegatiyo dhiig lasoo qubaye
- Haddii Yurub qadhaadh idin badayo qool wax lagu keenay
- Imisay qof Soomaaliyeed qoorta kaga goysay
- Qaladkiyo taariikhahanagood qoroto mooyaane
- Qalqali tuurkii Xamar baa u weyn qoonsi dirireede
- Qalayf kale haddii uu jiriyo qarash la dhiibaayo
- Shacbigiinii ugu qowl adkaa ama wax quudhaayey
- Markay dawladnimadii quntaye Roma laga qaatay
- Xisbigii wax qabanqaabin jiray sow idinkii qadiyey
- War qoladaysigii lagama dayn taad qotomiseene
- Dharaartii qarbigu guuray bay noqotay qaaraane
- Shaqaalihii Fashiitigu qortaye soo qaribay Leego
- Qarqarada waxay igu toleen yaa iskaba qaaday
- Qoomkii la laayey eed haddaba ubaxyada u qaado
- Nimankii qudhooda jaray baa qaadigiina ahe
- Qandhuufana ma gaadhine hadday qooq la doob-dhabiye
- War maa loo qabsado dhiigii way qiran lahaayeene
- Iyagiyo saldanaday qudhqudhin kii la qayr ihiba
- SYL ba nimankii qaribay yaa qadhaabsada e
- Qabiilnimada soow iyaga hunbaday ee qunbaha jiitay
- Raggii qurub kasoo riday wakaa qoodan suuqyada e
- Qisaastiyo maxay uga badeen qoomamiyo ciilka
- SNL qorshihii dawladnimo qurub ka waayeene
- Kolkii madaxdii jeel lagu qabiray quuste dabadeede
- Nimankaa qureesh iyo xor iyo qaali baan nahay leh
- Qaranimo ku faan uma ekee waa qalfoof madhane
- Wixii la isla qolofaadhiyaba waan qarxinayaaye
- Tiina kalee qabowgiyo ku timid qayladiyo buuqa
- Waqooyiba qaneecaadsan waa qaydkii uu helaye
- Lix qaboono calankuu sudhaye qoor-tolka u doontay
- Hadduu luqunta qoob kaga hayaa kii qaraabsadaye
- Qamuunyaa Hargaysaba dishayoo qawlalkaa xidhane
- Qadoodiga markii lagu dirqiyey qiil u bixi waaye
- Qaahira u daaduume iyo qoolasha Carbeede
- War goortay ku qamardaadsatay Qadar u yaaceene
- Qardoofahay Waqooyiga baday yaan qodob yar kaa siine
- Nugaalba qiimaheediyo Taleex waa la quudhsadaye
- Qorshe gobol hadduu jiro xaqu taa ma qadiyeene
- Garbahaarrey waa loo qasbee qeybta ma lahayne
- Qaskaa iyo Jabuutina markay qaabaddaa aragtay
- Waa waxay qoqobaha u xidhayee uga qaxaysaaye
- Labada is qalatee is qadin kii qareensadana
- Qawraarin baas laga ridyoo waa qar laga tuurye
- Raggaa qalaanqal doogeeda iyo qadow kusoo guur leh
- Kuwuu qamaaminaayaba intuu qaawiyuu furane
- Waxay fadhato qaaqda u hayaan soo qayiran ma aha
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed