Gabaygaan waxaa tiriyayay Cabdi Maxamed aw Magan
Oo ku magac dheer Cabdi Galayax sida aan ogsoonahay.
Cabdi galayax waxuu inta badan ka gabyi jiray marxalad
Markaas taagan. gabygaan waxuu tiriyay abwanku.
Asgoo kula hadlayo Cismaan Qaali iyo reerkiisa,
Waxuu yiri
Qabweeynidu Cismanow rag beey qarar ka turtaa,
Quluub malihid maalintii ibliis qaalib kaa yahaye,
Adigoon qabiil lagu hanto iyo qolo ku gaareynin,
Amaan qalab gubeerniyo lahayn iyo qawjad lagu taamo,
Qalbigaaga Eebbaa kuriday qabo Marexaane,
Qudhadaa askumay xaajadii la isku qoonsaday,
Qalocaad sameeysay iyo hadaad qaayo garaneeyso,
Anoo qoorigeygii fadhiya iguma qonteene
Hadba qaylo umasoo dirteen ceesha noo qodane
Qalqalooc ka kaca maalintaad nagula qawleysay,
Qaaruuma badan baa ogaa inaad qadesneede,
Qadufte talada ey yahow ragii qayska kaa dhigay
Qureeshtaanu duudsinay kuwii qaanta laga diiday,
Wax sidooda qooq lagu dilaad nagu qiyasteene,
Sidaad shalay noo qursateen qoomamaa xigaye,
Qarbanyahow quwad Diini waa kaa qarsoontahaye,
Kolkii qado ayaan hartay ee qiiqa lagu saaro,
Ayunbaad qadaad xumo ogaan qiimahaan nahay,
Nimankiise quwaxooda iyo qaranka ruugaayay,
Qowlaha adi loogay iyo qalantaad baas
Hadaan nala qojeen colaad qaa’ib laga yeelo,
Ama geela qawyah fadhiyo qaadka lag daayo,
Ogadeen qariib kuma noqdeen qaxarka hawdeede
Qasaaruhu maraceen kuwaan qaarba meel dhigaye
Warabuhu maqooshteen guskii qoorka le’ ekaaye
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed