Gabayga: Qaadan kari waayay
Gabaygan la magac bacay Qaadan kari waayay waxaa curiyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi waxa uuna gabaygu soo baxay 5/12/2006 ta waxaa uuna gabaygan ka Hadlayaa marxaladihii dhibta badnaa ee ummadda soomaaliyeen soomartay iyo waliba Wadada qaloocan ee hadda lagu socdo haddiiba dagaal la hurinayo.
Waxaa kale oo Abwaanku uga hadlayaa gabaygan Cawaaqib xumada Qabyaalada iyo Sida ummaddeenu u jeceshahay.
Waxaa kale oo Gabaygu ka hadlayaa dhaqanka is qarxiska oo kusoo siyaaday ummadda soomaaliyeed ayada oo dadka Soomaaliyeed aysan caado u lahayn in ay is qarxiso .
Â
Waxaa gabaygu ku bilaabmayaa sedan….
Â
Qaadan kari waayay
Â
Â
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay
Sidii ruux qunbulad cunay miyaan qaraw lasoo toosay
Qalbigaygu wuxuu diidayoon qoonsadaa jiraye
Soomaaliyoo qaadannoo qorigi aan tuurin
Oo wali qabiil aan ka harin Nabadna aan qaadan
Oo sida qaruun aan is dhalin kala qaloonaysa
Oo qaybba meel-lagu xirtoo aan is qabanaynin
Oo qiima-laawiyo nimaan gayin ku qooqaayo
Oo qaarad kale laga hagoo qodobo loo yeersho
Oo quuqle iyo qaaqle iyo qayl u talinaayo
Oo ay qorsheeyeen dagaal laysku qiro beelo
Oo shacabka aan laga qorayn qayladiyo dooda
Nabaddiina laga quustayoon lays qadarinaynin
Qaxarkiyo dhibaatada jirtoo aan la qarinaynin
Qun markaan u eegaa qalbigu sii qarxanayaaye
Dhulkeenii qasaaraha ka jira qaadan kari waayay.
Â
Nin raggaa qushuuciyo wadani qiimaloo wacane
Midkii qurux dagaal moodayow malahan qayraade
Qaxarkii lasoo maray haddaan qodobo soo qaato
Qarankeeni aafoobay iyo qaaraddii gubatay
Qunbulado rasaasiyo wixii balo ka qiiqaysay
Wixii shacab la qoor gooyayoo qoon la halakeeyay
Qabuur laguma gurinine wixii mayd qolfo`ah yaalay
Qofkii laanta qaadkaahi ay qiimo kor u dhaaftay
Guryihii qurxoonaan jiroo hoobiyuhu qaaday
Jidkii la isku qaadahayayoo qaraxu aafeeyay
Warshadihi lakala qaybsadoo nalaka qoon daystay
Qabqabliyo waxay nagu dhigeen qarash kuwii siiyay
Qun markaan u eegaa qalbigu sii qarxanayaaye
Dhulkeenii qasaaraha ka dhacay qaadan kari waayay.
Â
Qoorgooyo joogtaahi waa qodob inoo yaale
Dad ayaan qadayn maalintaan dhiigba qubanayne
Waa qaali Nabadduye maxaa ina qilaaf siiyay?
Waxdhanbaan qaracan wada ahayn qoriga awgiise
Waxdhanbaa ninkii qaaliyaba qoorta loo jaraye
Waxdhanbaan qasaare iyo hoog qaxar u taagneyne
Waxdhanbaan qax iyo silic marniyo nolol qaraarkeede
Waxdhanbaan qaraabo iyo ehel la isku qiimayne
Waxdhanbaa qurxoontii haween qaydka loo jaraye
Intaasoo qasaraaa markii qaadir ina dhaafshay
Qabqablihina uu naga qabtoon wada qaboobaanay
Qiiqkale inaan hurino oo qaylo kor u duusho
Oo aan qorshaynaa dagaal qaadan kari waayay.
Â
Qalabkoo an boobniyo galaay qoomamaa xigine
Warhoy Nabad inaan qaadanaa maanta qayr badane
Qowlkayga igu raaca oo qoriga aan tuurno
Isqadariya waad noqon-kartaan qaran walaallaaye
Soomaali qowlka iyo diin waysku wada qayre
Haddaan qolana gaalada galayn cunaya qaansiirka
Waxa qaarba meel laagu xiray qaadan kari waayay.
Â
Qurux male qabyaaladi ninkii qiimalaa garane
Anakuna qareen baan u nahay qaali iyo wile
Qalbigaa illaah nooga dhigay sida quraankiiye
Qofkastana qabiil iyo hanbaa qoorta loo suraye
Nimaan qalad lahaynbaa harkii qaan rag loo diline
Dhaqankaas an qiimaha lahayn qaadan kari waayay.
Â
Qaraxyadi ka dhacay baydhaboo qoonka badan laayay
Wixii soo qorsheeyiyo wixii qaas ahaan fuliyay
Qasdigay lahaayeen haddaan yaraha qiimeeyay
Waa wixii ciraaq iyo qaribay qoonka falastiine
Niman yohow qaracanbaan ahoo qaadan kari waayay.
Â
Nimanyohow qaxootiga noqdoo xabash u qoor dhiibtay
Iyo kuwa jahaad qaada loo qori xalmoodaaya
Haddii aad qadarin naga rabtaan qaata taladayda
Oo shacabka qiimeeya oo qaxarka aan dayno.
Qurgooyada ka hara wada jirkaad qayrku halaysaane...
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed