• Hal-abuurka maansada ninkii, aadba garanayaa
  • Mar haddii aftahan loo yaqaan, amuu abwaan sheegto
  • Wax if jirra wax aakhiro jirriyo, waxaan la eegaynba
  • Waa inuu ogaadaa sidii, uurkubaalaha e
  • Afar-iyo-lixdankii anigoo, Eebe dhaawanaya
  • Asgaruhu dhawaan ha is arkeen, waanigii idhiye
  • Ayaantaa ayaantii xigtay baa, laysla oogsadaye
  • Ajal dhimatay waatay xigtiyo, aalad qaraxdaaye
  • Haddaan eegay eegana waqtiga, amaan ilaaleeyey
  • Siddii ay dharaartaa ahayd, waw ekoontahaye
  • Aadmiguna wuxuu aawilaa, dhaaxba la arkaaye
  • Col iyo dhaanba inay kaaga iman, dhannaad u iilaysay
  • Odayadii dhintaa sheegay iyo, aaqiliin hore e
  • Amin soo socdaan wuxuu ahaan, waad odorostaaye
  • Inta badan aqoon gaabantii, aan u ergaynaynay
  • Ilyar gabagabay taagan tahay, waana eberkoode
  • Aweytina aan sii raaciyee, ududsan maayaane
  • Inaguna arimahaan wadniyo, uruursanaanteena
  • Inshaa Allaahu Soomaaliyey, waynu aargudane
  • Abshir baaba ii muuqatiyo, guul agteena ahe
  • Wax soo aadan kheyr Eebahey, noo abaabulaye
  • Ammuur weeye laynoo aqbali, oo ijaabo lehe
  • Allahu akbar waxaan haysanaa, diin awood badane
  • Islaanimada awgeed Kufriga, waynu ka adkaane
  • Ashahaado ruuxii cuskada, amase iimaan leh
  • Gaal uraayaa kama il helo, oo iblays uhuye
  • Aayado caddeeyaa jiroo, taa Allaa yidhiye
  • Walow aan sidaa aaminiyo, idam Ilaahayba
  • Eebada markii lagu darey, na anfacaysaaye
  • Geelii irmaana markii, oonka lagu daayey
  • Ee qaalintii igadh ahayd, oloshay ee reentay
  • Inankii yaraa waysagii, uubta dheer qodaye
  • Dabeedna Araweeluu ku dilay, uumiguu shidaye
  • Xaajana hadday awdantoo, talo asheedowday
  • Aynigaana wixii aad lahayd, adiga kuu diido
  • Ergo iyo asluub iyo haddaad, aayar kaga weydo
  • Ashkatiyo adeertaba haddii, lagaga ay waayey
  • Asxaan diid inuu yahay markaad, dhab u ogsoonaatay
  • Itaal iyo sidii kuu eg, waa inaad la aadaaye
  • Oo wuxuu abaalkiisu yahay, lala abaaraaye
  • Ablaydana tus ileen waa kii, tuuray aaqibo e
  • Oogadiisa waa inaad gubtoo, arami gaadhaaye
  • Adoo umalsan goortuu arkoo, aano gudanaaya
  • Istaaqfurulaa waa inuu yidhaa, edebna yeeshaaye
  • Nabadda anbatana waa inuu, iib ku daydayo e
  • Intaasi wayga arartii sokiyo, oodo dhacameede
  • Ujeedada shishiyo waa inaan, ubucdii jeexaaye
  • Dadkayaga adduunyada dhaqdiyo, beerta ka aslaaxda
  • Ardadii magaalooyinkiyo, aaddanoow shicibka
  • Iyagoo hawlahoodaa watoo, aanay noo imanin
  • Artaleerigaan haysaniyo, aarmigaan sidano
  • Iyo ciidamada loo unkiyo, xooggii la aasaasay
  • Abtirsiga dagaalkana la baray, oo arma aqoon ah
  • Calankana axdigii ay mareen, ugu adeegaaya
  • Asalna geesinimada u dhashoo, sidii awowgooda
  • Askar saas ah baan leenahoo, aad u miidhan ahe
  • Utunna waaban kuusii qabnaa, aamanuu sabane
  • Eediyo qolloocaan wax badan, kaa ebhinaynaaye
  • Eeqooyinkii horre raggaa, kugu arqoofaaya
  • Eed uus-xabaashaan nahaye, aara doonka ahe
  • Onkod iyo hillaciyo intaan, uuro soo kicino
  • Xabbad lagu asqoobiyo intaan, ololba soo tuuro
  • Alaab waxaan ka hayniyo intaan, Idibal soo dayno
  • Boodhkiyo awaaraha intaan, awdo samadoo dhan
  • Argagixiso weyn iyo intaan, mawjadda afuufno
  • Gummuca aalanaaxdiyo ka weyn, awrta madaxeeda
  • Usgag badan lahaataye intaan, idinku aafayno
  • Asuushiyo intay garashadii, idinka aynfaado
  • Haddii aadan Amxaarow, Qarbiga oohin kula yaacin
  • Eygaa Maraykana haddaydaan, aqalada u xaadhin
  • Ingiriis haddaydaan u tagin, sidda ugaaskiinii
  • Arligayga daayoo haddaydaan, tiinii ka abraarin
  • Addis iyo haddaydaan Shawaba, orod kusii dhaafin
  • Undurbaan haddaydaan wax badan, Laaji ku ahaanin
  • Amaydaan ag tagin Kenya, waa ina-adeerkiine
  • Iyana waa uduufee haddaanay, kuu arxami waayin
  • Malaayiin unuun go’an haddaydaan, aydan kaga dhoofin
  • Omoska dhaawicii yiil haddaan, boogtu ku abloobin
  • Haddaydaan abxado Daafiyo, agab lasii roorin
  • Aaran uu libaax gooyey iyo, adhi uu weer laayey
  • Injir badan lahaatee haddaydaan, dhaaxba u ekaanin
  • Ayaxii sunaysnaa haddii, laydinka aqoodo
  • Haddaydaan ilamaha tuurin, oydaan maatada iloobin
  • Ubadkiina meeshaa haddaan, lagu agoomaynin
  • Oydaan naaga uurliyo ka tagin, aabihiin gacale
  • Ooridda qurxoon iyo haddaydaan, inamihii waayin
  • Anagaa aroosiye haddaanay, Macatabkii aasin
  • Haddaanaan qur’aanka u akhriyin, oyna ku islaamin
  • Isticmaarsan maynee haddaanay, waayo na adeecin
  • Ashnaaqash taad lahaydeen haddaanaan, Aaminow bixinin
  • Aagaba haddii aydaan ka tagin, siddii ugaadh fiigtay
  • Geeska Afrikaad iyo haddaydaan, baashan ka irdhoobin
  • Asxaabul-fiil sidoodii haddaanaan, kugu alalaasin
  • Waa haddaan abuurinkayagu, dhab u aloosnayne
  • Buntukh ugub Amxaarooy markaan, kaa afurinayno
  • Annaga arrad bay noo tihiyo, barigii iideede
  • Oo waa maalintay noo umuli, guul abeer uhuye
  • Siddaan oofta kuu kala jaree, adhaxda kuu goyno
  • Inaydaan dhaaxo soo oollin baa, loo afbadiyaaye.

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo