Gabayga: Odeygeeda Noqo

**Sida ayro geeloo ningaha, laga ulaynaayo
**Oo eeri dhabanoo saqliyo, orodku dheeraatay
**Oo ololka reentoo gooha iyo, awda laga yaabay

**Andacooyey gabaygu beryahan, waana la ogaaye
**Arad iyo in badan buu ahaa, sida agoontiiye
**Aniguna in badan baan ku jirey, ololihiisiiye

**Ilaashada markaan idin lahaa, maydinba ogayne
**Adna eeda waxaan kuugu raray, waa amuur culuse
**Amar Qaado goortaan ku iri, kuma ilaaweyne

**Oday sare inaad tahayna waan, ogsoonahaye
**Anafoodna maahayn waxaan, kuu abaarsadaye
**Awrkaaga raro baan lahaa, saaro agabkaaye

**Adiguna ajiibtoo hadeer, waa is aragnaaye
**Odaygeeda noqo suugaantu, waa adhiyo geeleene.
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Tixraac: Qaryaan Buureed

Tafatir & Ururin: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo