Maasadii: Nuur
Nuur ii ifay baan arkaa. !
 Naq soo baxayaan arkaa.
 Naruuro sad-laan arkaa.
 Nasiib billi-laan arkaa.
 Bulshooy nasri soo socdiyo,
 Nimciyo hormar baan arkaa.
 Dalkoo nabadaan arkaa.
 Dadkoo nastay baan arkaa.
 Naafiyo dirir li’i gu’goo,
 La naawilayaan arkaa.
 Noog iyo daal li’i dhulkoo,
 Nabaadku qarshaan arkaa.
 Bulshada nabarkeeda iyo,
 Kuwii naxligiyo dhibkiyo,
 Naxuusta wadoo hadeer,
 Qabyaalad nacaan arkaa.
 Naanaystaydii bilnayd,
 Ineey nafaqaysatoo,
 Misana soo naaxaysiyo,
 Noolayn dhaqan baan arkaa.
 Ruuxii nasab ii ahaa,
 Nal uu ku farxuu arkaa,
 Ruuxii nacab ii ahina,
 Inuu naxay baan arkaa.
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed