Gabaygii: Nin Waliba
Gabaygan waxuu ku saabsan yahay Rag la iska dilay waxaa ka mid ahaa jaamac cali nuur oo ay wadey ahaayeen Gabyaagii weynaa Ismaaciil Mire Sida ay soomaali badan la socoto ,gabay colaadeed ay guubaabo ba’ani u astaan tahay Ismaaciil dhacdadaas ka mariyey,mana aamusin ilaa Jaamac loo aaray oo ninkii lagu eedaynaayey loo diley.
Dhinaca kale waxaa iyaguna jiray maansoyahanno isla degaanka ahaa oo guubaabadaas si weyn uga qayb-galay,iyaga oo jifo-hoosaadkiiJaamac (Reer Cali-Geri, Reer Guuleed)iyo Ismaaciil qudhiisa si gaar ah u guubaabin jiray ,kuna ceebayn jiray inay ka gaabsadeen gudashada aarkooda maqam,Waxaa ka mid ahaa Maxamed-Deyl,Cali Dhuux,Samater baxnaan,Xareed Duubi Deero Raga Dilka Jaamac ka gabyey kuwoodii ugu magaca dheeraa waxaa ka mid ahaa Adan-Carab oo Cali dhuux iyo Ismaaciilba kaga cadhaysiisay Tixdii ugu horaysay waxa uu Yidhi:-
Waayadan dukaankiyo ma furin daarihii gabaye
Debnahaan lahaa yey ku geyn dabaqii naareede
Aan daleeyo waa taan ahaa caalin daahiraye;
Nin waliba waxuu dir u lahaa waw u durduriyaaye
Cali-Geri danduushiyo ha sido gudimo daab weyne
Duunyo ha ka hasyteen lo’dii dacasha dheerayde
Dabar iyo gandaal haw sideen hana durduureene
Intay dooxa geeyaan biyaha ha u dadaaleene
Dabkana kii wadaadkiiba dagay duri ha haysteene
Degta hawgu jiro maaracasahaa loogu daal tiriye
Dul-ku-fure ha qaateen sidii Dawlad Faransiise
Ha degeen dalkana laasoddaar kama dul guuraane
Dayrtiyo gugii haw baxeen daanka Jilibboode
Dusha xaarre iyo goof dunto leh deyr ha mariyeene
Marka sebenka dooggiisu kaco didib ha aadeene
Duso iyo Higloole ha tageen degalladoodiiye
Dixo hawga baaqeen illaa waaba loo diraye:!
Dadkana haw xigeen nimankii deldeley danabbadoodiiye
Kuwii Jaamac Cali-nuur deldeley deris ha moodeene
Ducaaliyo raggii adhigu dilay hayska daaqsado’e
Dahabna haw tumeen odayadii daamanka la’aaye
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed