Nin da’oobey hadalkiisu waa doogsin oo kale’E,
wuxuu daabacaa wararka aan lagu danbaabayne
Daandaansi baa lay filiyo dunada ceebayse
Dabadeedse la ogaa inaan daacad sheeg ahaye
Dadkii hore rag oddayaalaba dooda hayn jiraye
Walee talo nin weyn laga diraan daano laga waayin
Walee duul gar eexaa naqaan diintu ku amaanin
Walee meel dekeno soo gashaan lays daniyi waayin
Walee naag dillaal baratay baan dani iskiin raacin
Walee dumar la wada guursadaan dookha ku heshiinin
Walee meel hunguri doonaysaan hadal dawo u yeelan
Inkastaad diyaafado dhigtoo dabaxdo gool miidhan
Walee mowd ku soo doonay baan duco ku dhaaf dhaafin
Inkastuu nin doora u dhashiyo danab aqoon weyn leh
Walee duunyo nimaan haysanbaan dala saan waayin
Inkastooy daruurta u ektahay iyo dahabka niikooga
Walee baali doqonaan nin raga diif ku ridiwaayin
Walee daacad iyo khaa’inbaan dood isugu keenin
Walee kibir nin duubka u xidhay baan looga dariwaayin
Walee limin rag daba joogo baan laysku dakhalaalin
Inkastood dar yeeshoo nacfiga aad la daba joogto
Walee badow dantii kaa hellaan daawo kula yeelan
Inkastooy dastuur soo rogaan lagu damaashaado
Inkastoo ay daafacaan cadawtadii deyrka soo jebiyey
Inkastoo wakhtigu doonayoo dunida loo dhiibo
Walee dawlad reer reerabaan derejo weyn gaadhin
Inaan dunidu dunidii ahayn waxa u daliilkeeda
Hablii yarada laga diidi jirey daabadiyo geela
Dirham laguma aamino hadeer ta ugu door roone
Dabagaab iyo waxay noqdeen deyn ma soo celise
Dibjirbaa ragii loo baxshiyo xoolo daaq tegeye
Walee dunidaan maanta arkayaan dib uga soo raynin
“Mahadnaq Gaara Gabaygan waxaan ka helnay oo noo soo tabiyay Abwaan Jaamacroob”
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Tafatirkii: Mr Cumar Ismaaciil Digeed