Camanje Yogol wuxuu ahaa gabayaa muctarif ah oo tixihiisu ku baaheen aadna looga xiiseeyo dhammaan degaanada Soomaalida Galbeed, kuwa Waqooyi iyo inta la ollaga ah.  Sidoo kale Camanje wuxuu ahaa aftahan geed-ka-hadal, nin kaftan badan oo ragga ay isu gabyaan kaftan kale oo caadi ahi u dhexeeyo iyo nin miyi iyo magaalaba ku dhaqan oo labada nololoodba ehel u ah. 

Marbay waxay kaftameen niman reer bari ah oo askar Talyaani ahaa oo Jigjiga yimid xilliggii Talyanku Itoobiya qabsaday. Kaftankii hadalka caadiga ahaa ayaa gadaal mid gabay isu rogoy. Camanje nimankii gabay kulul ayuu u mariyey, waxaana gabaygaa naga soo gaadhay meerisyadan hoose.  Wuxuu yidhi:

Namiimnimo Majeerteen miyaan wali ka niibkeenin

Ma nifaaqii oo buuxiyuu xalayto nooleeyey

Naxliga iyo nuxuustii miyaa naari soo kiciyey

Nasri miyuu ka sugi Eebahay saw ma nici doono

Iyagiyo Namruud saw Janadu kama nijaasoobin

Nayroobi iyo Xamar horraad nag uga siiseene

Dhulbahantaa naflaha kuugu xigga nabadse kaa waaye

Warsangalina nabarkaad barteen nadigu iimeeye

Adduunkii nagaa idinka iyo naagahaa rogaye

Nasabkiinu meel buu ahaa nuridu waa iine

Nacallaa Majeerteen ku yaal nolol ma haystaane.

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo