Falanqaynta Geeraarkii Sayidka: Is-Weydaarsiga Qarniyada
Geeraarkan uu tiriyey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan in ka badan boqol sano ka hor wuxuu si gaar ah u iftiimiyey xaaladda halgankii Jihaadka Daraawiishta.
Hadda, waxaad si cad u arkeysaa inuu isla gabaygani uu la jaanqaadayo arrimaha taagan ee maanta. Sababtu waa mid cad:
- Waagaas Sayidku wuxuu ka gabyayey munaafaqiintii ama dadkii caqabadda ku ahaa halganka iyo danaha ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo u adeegayey cadowga.
- Maantana, waxaad mooddaa in isla dhibaatadaas ay jirto, iyadoo caddowga loo adeegayo.
Markaad tixdan dhuuxdo, waxaad ogaanaysaa macnaheeda oo aan ku koobnayn qarnigii tagay oo kaliya, balse uu yahay mid weli qarnigan khuseeya. Geeraarku wuxuu muujinayaa in isku-dirka iyo ka-hortagga danaha ummadda aysan ahayn arrin cusub.
Wuxuuna Sayidku ku bilaabay sidan:
Doodan waxaan u leeyahay       dumarkiyo caruurtoo
Dadkii idinka waynaa                  hadday idin duleeyeen
Dambi kama ay yaabine              cuntay idinka doorteen
Duunyaa la dhaafsaday              dugsigaad galeeyseen
Dameerkuna ma yeelen             halkay talo ku daysteen
Dab intay shideen bay                 dalaq idinku siiyeen
Doox intay qodeen bay               ciid idinku daadsheen
Nin idiin damqanayaa                idinkama dambeeyee
Hadaydaan digtoonaan              daad bay idin qaadiye
Duleedada kufaartaa                  dacas idinku laynoo
Naf dalkaaga doonaysaa           firaash looma daadshee
Dabkan aan shidaayaa               daawadiina weeyee
Dariiqii rasuulkiyo                     dawga ha ka baydhina
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed