Gabayga: Nabsi gabay


Waxaa isaguna soo galay isku-xirantii Maxamed Cuma Ogaadeen ahaa….waxaa. la sheegay in Maxamed dhashay abbaaraha waagii Calidhuux bilaabay gabayada Guba ama markaa uu gaban yar ahaa.Maxamed waxaa looga warramay gabayadii Cali-Dhuux ku guubaabiyey Ogaadeen, maalintaas buu Maxamed Cumar dage !” Isna bilaabay in uu guubabiyo dhulbahante oo loo aaro ragii dilay Xaaji cumar rag maqaawiir ah oo u qalma kuwii laga laayey ay ugu aaraan oo madal ku goqracaan Maxamed waxuu yidhi:-


Waayahanba gabaygii dacmiyay , dahabku saarnaaye
Duddadaan u rogoy dhowr sabaan, yuu ku daayimaye
Xalunbaa dabuubta iyo himsigu, wax igu daareene

Abtirsiimo waa dacar jinnoo, waan danqanayaaye
Dalkii nimanka tagayoo fariin, dowga qabadsiiya
Dadka kale ha joogee warkaa, Cali dareensiiya
Deelqaafku waa ba’an yahee, daacad ugu sheega
Doqonkii laguubaabin jiray, dib u guhaadow dheh
Ogaadeen Danood iyo Dig iyo, durugsay ceelkii dheh
Iidoor dalaalsimo kawaa, Doolo iyo Ciid dhe
Daratoole iyo Faafan baa, daakhilkii yahay dheh
Deegaanta Iligeedne waa, dagal Makaahiil dhe
Deris nimaan kujooginina waa, daaqi Xodayood dheh
Daahyaale loo aar colkaad, nagu dankayseen dhe

Dagaagoodu waa kuu tubnaa, daarihii Herer dheh
Haddaan gaalku noo dilin lsaaq, Deleb ma maaleen dheh
Majeerteen dagaalkii dhawayd, duni u siigee dheh
Daandaansigii Reer-Islaan, Sacad u daaduun dhe
Nin dakano ka haystay arkaan, Sedde ma daayeen dheh
Daaroodka kale waa hayaa, ficil dagaalkiiye

Dacalkii Garaad Faarax baa, daad kasoo galaye dheh
Demmeni iyo baqdini waa miday, dir u lahaayeene
Darxurmoode nimankii fadhiyay, darar Nugaaleed e
Duligaad Dhulbahantoow qabtaan, doyna laga sheeg dheh
Mar hadday shamsadu duugantoo , dan u madoobaato
Dam haday tidhaa goroyadaan, daaq u noqonayne
Wax la da’ah dunjiga Aadan Hagar, duq iyo waayeel dheh

Halkii Xaajigii lagu dag dhebay, kama danbeeyaane
Siddii xoon laxdiisii dunteey, ugu dul meeraane
Arladuu dengiige u ahaa, lagu dabayshoo dheh
Isagu Aakhiruu dagay Ilaah, deeqii how furo e
Maxilaha dumaasha u hadhay, dacari haysaa dheh
Agoomaha ilmada duugayiyo, dumarka ooyaaya
Doolaabta naagaha xidhiyo, duub caddkiyo weerka
Kama diilalyoodaan kuway, duray wadaageene
Dabka iyo Magliga waa sitaan, Ia isku dooxaaye
Ma da’yara e Eebbow xukmiyey,inay dulloobaane
Hadday faro wax daawaynayaan, duud dhan baa hadhiye
Dilka kama jalaadeen hadday, dirir ku quustaane
Dulligeey ka raaliga noqdeen, ileen lalama doonayn e
Ku dikade dilkii ina-Cameey, Daayin baa jira e
Damqan maayo reer Faarixii, damaca waalaaye
Axmed Cigana duugow haddaan, lagu dambaabayne
Ararsame dagaal kuma jiroo, daacad-waa noqay dheh
Cali-Gerina waayadaan ka dawr dil, iyo laysaan dheh
Allow dayey nimaan diin lahayn,aan dareen qabin dheh
Daynkoodu Habaryoonis waa, lagama doontaane dheh
Door soocakii Muusayaal, waa ku daa’imaye
Niman aarahoodii qabiyo qabiil, dagan ma waayeene
Odayaal mushaar loo diriyo, kheyrkii baa dihine
Dab nin kaliya oo shida miyaa, duulka laga waayey!

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo