Gabaygan Cabdi Galayax waxuu marshay 1958 markii nabada la qaatay beelihii ku dagaalamayey Wardheer Nabadaas waxaa ka shaqeeyey Ergo uu soo diray Xaaji Diiriye oo Awrtable ahaa Markaas buu gabayna Tirshay Waxuu yidhi:-

Indhowayd ba waataan dafiray daahirow gabaye
Waataan daliisheeda xiray deelka maansadaye
Waataanan dayin maal mahaad iga dalbaysene
Xalay baan danqaday waanigii diiday waa horeye
Bal diinwaasha caawana tixbay diin dejinayaaye
Ragbaan hadalka darisaynin oo galiya deel qaafe

Aniguna dulkuu marahayaan diirad ku arkaaye
Bal diinwaansha caawana tixbay diin dejinayaaye
Hadaan gabayga dayr iyo gu,yo beriyo moogaado,
Dahrigayga idil buu sidii dumo ii qabanaye

Hayeeshee habeen aan damcaan dararta reebaaye
Bal diinwaansha caawana tix baydiin dejinayaaye
Cirkoo da,ay ayaan baa nafluhu dacaska reebaaye
Marhaday daruuruhu furtaan dirir guyoo hooray

Baad iyo xareed baa arladu wada bilowdaaye
Goortaan dulhooryada sideed diilqadyo u keeno
Dhul doogsin qaban oo nafluhu daalacaa jiraye
Bal diinwaansha caawana tixbaydiin dejinayaaye

Ducaa lagugu riday shiikhayow dawa aad joogtaabe
Ninsidaada duub logu xiraa duuldhan kaafiyaye
Waa lagugu diirsaday waqaan diintu kaa lumine
Bal diinwaansha caawaan tixbaydiin dejinayaaye

Dalkaan joognay daarood ku nagi daacadna ahaaye
Dulmihii horena laga heshii laysku duufsadaye
Dhulkii baa lawada daaqayaa doogu noo maraye
Dooxada iyo subaga iyo dibiradi ciidka

Nin waliba docduu rabay u guur doh iyo ceel gabe
Dhubo weeye reeruhu sidii dayrta loo helaye
Alaylehe dareen lama qabiyo darib kulaylkeede
Duulaan wax qaadiyo colaad dibada loo tuurye

Diradirihii waa laga tashaday dooble suu yiriye
Beentii la daran doori jiray waa la daafacaye
Intii falaga duubayn okayd nooma soo degine
Dixdii ceelka ciid baa tolkay daawa loo xiraye

Damashaadka waxaa looga dhigay, duuga caaqibaye
Dugsi bay galen wiilashii dooxatayn jiraye
Diintii rasuulkiyo sharcigay dabada haystaane
Wixii nabiga loo soo dejay daalac sanayaane

Dib bay qoomameeyen kuwii dilay walalkoode
Nin waliba danbaabkii horuu kheyr ku doorsadaye
Rag kaloo la dadayaa jiroo dabin u yaalaaye
Dadkaan magaca sheeganahayaa daris walaalow ye

Daal kii dareeriyo wixii duulka wlagu foofsho
Imikaan dugaag kay ku tahay ruuxna soo didine
Nin waliba dibood buu ka dhigay daabaduu raraye
Geelaa dushii degi jiree dib uga sii oodmay

Oo ay daaqsintisii ahayd taniyo daabaale
Waakaas darmada wayn ka lulay dacalka toomeede
Waa kaas tan iyo tii duleed laysku soo daraye
Waataas xeryaha daalada ah daawad loo dhigaye

Waa taas la wada duulaya daalinkii xadaye
Waa taas dermadu noo dhextaal damaladaan wayne
Anagu derajadaasaan helniyo deeq na kaafiyayae
Duligii wuxuu saaran yahay nimanka dooloode

Inta kale danbaan uga baxoon dowladow taline
Duulane rafle iyo daahir iyo doobka cali saaqid
Du,uundooda oo idil warkaan diraya gaarsiiya
Nimanyohow dalool baad gubteen dunida maanta ahaye

Niman yohow dariiqiina waad daba maraysaane
Niman yohow dartiin baa arlada looga didayaaye
Niman yohow dadkii wada dhashaad kala dumaysaane
Ogaaden darbaa laga darsaday diricyadiisiiye

Duntiinaan gubteen maalintaad dabaqa fuusheene
Dawo iyo wanaag ma leh hartiga inaad dacwaysaane
Dugsi bay inoo wada yihiin inagu daahnaaye
Dabaa ololi nimankaa hadaad durug tiraahdaane

Kol hadii dadaar iyo nugaal dalaba meel aado
Walee inaan wardheer cidi degayn uga danbaysaane
Nimanyohow dalaal baa arladu inagu deeqdaaye
Niman yohow dabayl yaa la kicin amase duufaane

Afartaas dilaashaye waxaan deelka ku idleeyay
Daarood ismaaciil ma oga daanaduu qabo,ye
Waa niman ilahay dalagay dunida maanta ahaye
Waa niman ay doorkii walbaba darajo seegtaaye

Waa niman dadkii oo ilbaxay daahan kaligoode
Waa niman docdoodii ka qaday dowlad nimadiiye
Waa niman duqowdoodu tahay doonyadoo kaleye
Waa niman dayuus dheregsan iyo doqon ka buuxaaye

Waa niman dariiqii ka guday diinta loo maraye
Waa niman dugaag lagu matalay diiratoo kaleye
Waa niman dalkoodii rag kale darar ku maalaaye
Waa niman da,doodii kacdaba doorka ka idlayne

Waa niman facood daar dhistoo dumiyay toodiiye
Waa niman dabaadiga ka haray loo danleeyahaye
Anuun bays ku daalinahayee diide waanadaye
Alahayow daway maanta waa laysu dumayaay
n

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo