Gabaygii: Nabadi waa door


1920 markii Daraawiish halgankeedi hakadka galay ee Diyaaradaha lagu garaacay ayaa Ismaaciil mire xabsiga la dhigay kolkii usoo baxay oo uu degmadii Ciid yimid si fiican ayaa loo soo dhaweeyey. Reer Hagar ayaa si door ah u marti geliyey isagoo caydh ah oo ana tulud iyo waxar toona lagu ogayn dadkii kale Ismaaciil la mid ahaana si wanaagsan ayay ula qabteen

Iyadoo uu ismaaciil arimahaas maskaxda ku hayo in uu abaal gudana damacsan ayaa 1923 qardafooyin ka dhex dhaceen Jamac Cali Nuur oo Ismaaciil Ilmaadeer ahaayeen iyo nin reer Hagar ah oo la yidhaa Googooye Jaamac Aadan dabadeedna dabadeedna waxay Jaamac talo kaga dhamaatay inuu aarsado ee uusan qandhow innaba qaadan! Ismaaciil baa Arkay cadhada ka muuqata, markaas buu damcay inuu qaboojiyo oo u sheegay maalintii uu xabsiga ka soo baxay sidii ay reer Hagar tabantaabada ugu geysteen, jaamacna waxuu ka baryey inuu taas darteed ugu dulqaato, colaaddana qaboojiyo waxna uusan ka qaadan haba kibir xumaadeene waxuu yidhi Ismaaciil:-

Dayuurado qablami maalintii lay dul marinaayey
Dibirka Dhooddiyaad maalintaan deli dhacaynaayey
Duunkayga maantaan sidii deer la cararaayey
Anaan duunyo wadan maalintaan dalankacaynaayey


Darmaan xoodan maantaan Badweyn duhurka soo taagey
Habraha duubmay iyo maalintuu doqonku ii baanay
Dadkii Cayn fadhiyey maalintaan dooc ka garanwaayey
Kun dirays gashani maalintay damacday dhiigayga


Dulmigay sameeyeen maalintii laygu dabo joogey
Maantii ninkii door ahaa degelka laadlaadshay
Dilkii aan sahladay maalintuu dacarta ii qooshay
Anoo dulugle maantii Berbera la igu dayraanshey


Derbiga jeelka maantuu kufrigu dabarka ii giijey
Rabbi deeqi maantaan anoo dagan ku noolaaday
Ducaaliyo Caddood iyo kuwuu ii danqaday jiidhku


Igardhada la dawdabi kuwii dumarka ii siiyey
Ee dadabta ii dhigahayee gogosha ii daadshey
Xeedhyaha diyaafadan kuwii dabaqa ii saaray
Caanaha Dubbiyo Laan kuwii igu durduuraayey


Kun wiil oo dagaaga ah kuwii deex ku soo koriyey
Dab inaan ku rido waa halaan diirka gelihayne
Dufule waalan baan ahay haddaan daaro reer Hagare!!
Haba isdoor bideen oo xarrago ha isdabooleene


Dibnaha hawga yeedhina anaa dawladeey! odhane
Ka duggaala cadowga oo tolnimo daacad uga raadsha
Shisheeyihu intuu digan lahaa doqon sideed yeela


Waxba yeyna deynkeena maqan Debec inoo siine
Duqna ha qaadannina xoolo waa didib caleentiise
Dubaaqana ka dhawr Jaamacoow nabadi waa doore!.

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo