Gabayga: Nabad
Nabadu waa naruurada Ilaah, anagu nimceeye.
Waa nolosha lagu dhaato iyo, naalo iyo guule.
Waa naas irmaan iyo samaan lagu nagaadaaye.
Naxariis macaan weeye iyo, nuurka Eebahaye.
Umadii nasiibka u heshaa, way najaxaysaaye
Nidaam lagu hagay leedihiyo, shay nasteex ahe,
Nabarada coladahana waa, lagu nuglaadaaye
Naf godiyo waxaa laga dhaxlaa, naafo aan kicine.
Nafsaday dishaa iyo qalbiga nuxuradiisiiye.
Naanaysna waa reebaysaa, naadh u qaadahahe.
Niidaamo iyo ciilbay niyada, kaaga ridaysaaye.
Naqaad waxaadd ka aadaa abaar, neef ma reebtaa.
Nabaadka iyo geedaha baxaan, nura lahaanaynin.
Inta duul ku naaqdaysayee, noogay baa badane
Nasabkiyo hidaha fiican bay, naxashka saartaaye.
Aniguna nadiir digaya iyo, naadir baan ahaye.
Umadyahay nasteexada gartoo, nabada xoogeeya.
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed