Bidhiidh wuxuu Sayid Maxamed u faray:
Badda mootan meydkii Fircoon, baa la moosiyeye
Sir mitaniyo meeqaanba ways, kala masoobaane
Kolkii ay majaro leexatee xaajo, marin dhaafto
Murti qodob ku miisaamanbaa, muranka noo dhaanta
Madi cararta maqasheeda koris, minow san baa dhaanta
Murwo hadal xun maangaab ninkeed, maqasha baa dhaanta
Magoog been ah talo muuqatoo, marag leh baa dhaanta
Hal miirshawle maya oo tidhaa, milow horaa dhaanta
Mayey aafo miidhan ah abaar, mudhuxsan baa dhaanta
Haddaan xididku maamuus lahayn, ma lihi baa dhaanta
Mirta weerar dirir maalinoo, rag is madhshaa dhaantaa
Mataan midiq ah laas miir ahbaa, kuu mitabbis dhaama
Boqorkii malay dabi midgaan, xadhig martaa dhaama
Masjidkii cibaadada ka madhan, lama mudaa dhaanta
Mufti nacab ah Aw kula musoo, macallinaa dhaama
Walaalkaan mushaawaro lahayn, maqanahaa dhaama
Malab sun ah mariid laga kacaa, muudsashada dhaama
Muslinimo nimaan kugu dhaqayn, muminimo khaas ah
Gaal maxasta kuu nabadgashood, magansataa dhaama.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed
Xigasho: Mareegta Doolo