Gabaygii:Β Murti
Gabayg uu ugu jawaabay Xirsi Dheere oo majeerteen ah.
Wuxuu yidhi:
Murti labanlaboodigii naxwaha, luuqdi daba tiilay
Indhawayd ma looyaamin gabay, laqantidiisiiye
Lahashada qalbiga soo rogtee, kicisay laabtayda
Lisaan godbeed iyo afxumo, laari soo tiriyey
Oo libin ku faan ah yaan ka helay, xalayto Low-kuus ee
Luulaanyo inaan soo ceshaa, loo dan lee yahay
Siddii aar ku laalaadin badan, loolidiyo howdka
Oo leyl dhexaad soo laloo, leeda kala gooyey
Oo micida dhiiguu la galay, shaarubaha leefi
Oo soo lakoobsaday raqdoo, loogu gali waayey
Liigaagyada markii aan ka furro, lay fadhiyi waaye
Layliga ma qayrsado aan baran, laaxinkii galaye
Lufad kii lalaba caytamee, laashinna ismooda
Waxaan kala lalaa toban lag oon, liimbiyaa halise
Luquntiyo afwayntaan jabshaa, sidda libaaxiiye
Maantana layaba waa layee, laynka waxaa taagan
Ee laaqinimo dheeriya iyo sheegtay, labac dhaafka
Anigana liciif igu shabahay, uunka ugu liita
Waa dunni lugaha taagtayoo, lulan dhamaanteed e
Sow ma aha nin Low-kuus dhashiyo, licis korowgeed e
Labo sanno midkoodii jirriyo, lowlowga cadaaday
Lalabada odhaahda iyo ka siman, laaqda beenta ahee
Haddii ay labxiyo maansaxniyo, lee yihiin garasho
Duul Islaam ah kuma ay labeen, luuq nijaaso ahee
Adigoo lo’ iyo geel dhaqdoo, lagi banaan yaala
Isagoo lug dheer soo maray oo, liita aragiisu
Hadday baahi soo leelisooy, keenta labigaaga
Laba beri Islaanimo markaad, luunka uga goyso
Luqmaddii aad siisiyo markuu, liqo karuurkaaga
Lihigaaga waa kii damcoo, lig isku siiyaaye e
Lisaan qaboow kuma tagiyo, weedh Lilaahiya e
Markaad labo ku jiideey indhaha, kor u layiigaane
Lalabaha colaadeed Hartina, laaqi woow yahayda
Leedda fuulka geenyada anaa, ugu lihiin roonta
Luqmad baan Ogaadeen ka dhigan, laxam baruureeda
Low-kuus warkeed wuu yihiyo, faan aan luga haynin
Intaan laysu iman bay yihiin, xuud liqaaya ahee
Markii leebka shiishka ah qoryaha, laysu wada ciirsho
Lee’ashadiyo geerida markaan, laysu naxahaynin
Ee laxawga dhaawaca qabiyo, maydku luxud beelo
Iskumay lugooyaan haddaan, lagu lamaanayn e
Laan Xodday ah Low-kuus ka nugul, maalin libineed e
Lihinkiyo awoodoodu waa, laaqda faanka ahee
Anna waranka aan liiliyaa, in uusan soo laaban
Looxa dunida taariikhda, waa layga helayaaye
Af lakab ah, gafuur ligis ah, iyo uur Like aad moodid
Lagga ganaca, laabxuunshadiyo, luqunta ceegaysan
Badhi lolosh ah, laafyaha haween, lagu masaalaayo
Intaad ugula soo leexatay een, laydha ku cabsiiyey
Een kaa lug meersaday ka badan, laba kun oo jeer e
Lixdan sanno labaatan iyo dhowr, waayo laga joogo
Lihigayga anigoo ku idhi, laba jirka u maalo
Laqwi kibir markaad iila timid, maal ragna u lahatay
Laboodiga Subeer wiilashaan, loodin karin aadmi
Laxaad bir ah Makaahiil leh oon, waligood soo laaban
Leedhigaan ku saaray iyo warmahaan, leexan ganidoodu
Luqun taaga kibirkii wuxuu, lee’ asho kuu keenay
Lafahaa u markhaati ah haddeer, tuuran laagaha ee
In aan ahay laguugu iyo laguug, laba jibaarkaa ah
Laandheeranimadaad ii qirtaan, kaaga baar lulan ee
Lafta dheer markaan kaa jabsheed, liiqa aad dhigato
Laysankaagii meherkaad kufriga, ula lugaysaaye
Ogaadeen ma loodsamahayee, ii lug xidha maanta
Ha la ii lagdooy baa tidhaa, ba’ayee, waan lumay ee
Kufri baa lagtaan kugu hayiyo, eey lakooki ahee
Kolse hadduu luqaaf kaa tagay ood, kaligaa laalaado
Bal in aad lihiin leedihiin, la arki doonaaye
Wiilkii libaaxa u ekaa, geesigii libintu
Laydha idin saaqday iyo cabsidaad, lulanaysaan eega
Lakigiisa weeyiyo burji uu, lee yahoo adag e
Laxaadkiisi kugu meersan iyo, xoogguu soo limay ee
Layligii yimaadaba baqaad, lagac ka siisaan e
Barrin lagu lugeeyaa ma jirro, Laamo kaa xidhan e
Laashashkii aad buux-dhaafisayna, liqday badwayntiiye
Luunbigaad ku faantee cayilay, wuxuu ladaabtaaye
Waa laggii dadkaagii ku lumay, laysay maanyadu e
Laab negiba idinkoon u ladin, saacad laba gaadha
Ood leebka geeridda ku sugi, luuqa Calanleey ah
In aad laaqisaba kuuma aha ood, libbin ku faantaaye
Waan soo lakoobsaday haddeer, waana labadeena
Luxudkaaga sii qodatayaa, ama is loogtaaba
Lagac orodka looliyo galkii, lama huraankaa dheh
Lee’ashada lafihii tuurmi jiray, lama huraan kaa dheh
Laxow cabashaadii aad tiqiin, waa lagaa filiye
Ku luqluqo xumaatada oon ku dhaho, lama huraankaa dheh
Liinbashada badwayn lagu qarqamo, lama huraan kaa dheh
Lumayeey miyaan la ii naxayn, waa lagaa filiye
Laabtayda oon jixinjixayn, kuuna loodsamaynin
Laadka iyo haraatidii cuslayd, laba liqsii weeye
Aftartaa laboodigii naxwaha, laqantidoodii dheh
Hayeeshee layaba waa layee, layn kalaa furan e
Wax la yidhi liciifkii isbiday, laacib sarre jooga
Waligii lurbuu korodhsadaa, laxow ku raagaaye
Luggo joogsan waayaa marbay, liinbadaan halis e
Afkaan lala xishoonini marbuu, lulug cantuugaaye
Loodigaad tilmaantay iyo, dhalfadaad tidhi lug geel weeye
Waa xubin rag wada lee yahoo, waa lud qaaliya ee
La’aanteed wiil lama yidhaa, waa labbood sarre e
Hadday tiinu kor u laalantay ooy, dumar lilayn wayday
Anni taydu waa luul baxay oon, lacagi goynayne
Waa laba lafood laacdan dumar, raaxa laasimiyi
Lu’aashada afkiinana, yaahuu iyo La’iilaaf e
Afartaa laboodigii naxwaha, laqantidoodii dheh
Hayeeshee layaba waa layee, layn kalaa furan e
Aflagaado cay lagu ladhoo, aad u labac dhaafi
Habar Gidirtaad Reer-Qoomu Luudh, kula la leemootay
Lanbar cuduradiinii ahoo, gaalku kugu laylyey
Ha ku leexin laamaha gobtiyo, laf aadan gaadhaynin
Hayeeshee waxaad laaxin iyo, ligis ku jiidjiiday
Annaa luuqda uga maydhi oo, xaal u laban laabi
Waa niman leh sharaf laacday oo, loo yaqaan abid e
Waa niman laxaad iyo cilmi leh, oo lacibiin badan e
Waa niman Lilaahi ah oon axdiga, galinin laakiin e
Laba mowqif wada yeelatay oo, laabta isu xaadhan
Oon lumin dantoodaan nahoon, diinta laayicin e
Adna gaal leeleef baad tihiyo, nooc lasiisi ahee
Waxaad daba lulaysaa kufriga, laafyihii ba’ay e
Lana soco kolley waad la gali, ludunka naareed e
Sacadkaad liciif weeye tidhi, laanbad aan jabinin
Waxaan kuu laqmayn maalin aad, kaligiin loolteen e
Adigoo laguug ciidaniyo, qalab luxdoon haysta
Laarmiga dagaalkiyo markii, galowgu luuqeeyay
Lagta Gaalkacyood waa kuwii, kaa looxaansaday e
Lixda boqol waa kay kaa dhigeen, labacyo wayntiiye
Lagdintaada nimankii yiqiin, libinna kaa haysta
Lihiin ma leh haddaad maanta tidhi, iyo laxaad toona
Luxudka iyo qabriga lagu cadaab, been maxaa lalisay
Oromona laf Soomaaliyoo, laqan ah weeyaane
Leesaanta Baydhabo dagtaa, kaa lihiin adag e
Liiwaydana ma gaadhaan dadnimo, waana loo marag e
Layl Kase iyo Mareexaanka Luuq, Mudugna loo gaadho
Inkastood yara leexisood, laydh xun ku afuuftay
Laba wada dhashaan nahoo ka yimid, Jabarti laabtiis e
Ludda jiidhku waa mid aan go’ayn, dhalasho laynkeed e
Adiguna lifaaq ay Hindidu, soo lushaad tahaye
Lama taabte lo’da caabudaad, labac wadaagtaan e
Adoo laba jir ah ooy hooyadaa, loox kusoo gudubtay
Oo laynka xeebta ah fadhiya, yaa lagaa helay e
La korshaagu waa adi ka yimid, meel aan la aqoonin
Haysku loohin liid yahoow ma tihid, laxamka Daarood e
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed