Gabayga:Muqdisho maxaa dhacay

Maansadaan waxaa curiyey Cumar Cabdinuur Nuux Nabaddoon markay taariikhdu ahayd 11.01.2003 kadib markuu akhriyey geeraar uu curiyey Maxamed Stanza oo uu ugu magacdaray Muqdisho. Wuxuu abwaankaas ka murugoonayey dhibka caasimaddii Soomaaliyeed soo gaaray. Wuxuu Nabaddoon isagoo abwaankaas la qaba aragtidaas halkaan kusoo bandhigayaa ahmiyaddii iyo wanaaggii ay Muqdisho lahayd iyo meelaha Nabaddoon uu isleeyahay sabab ayey u ahaayeen dhibkii Muqdisho soo gaaray.


Murugadaan ku haysiyo mahadhooyinkaan badan
Madficiyo rasaastiyo moodharkaan ku qaybsaday
Maydka raasaskaagiyo meelkastaba ku baylahay
Meekhaankaad lahayd iyo meesha aad ku sugantahay
Maxaa keenay taas baad Muqdishoy isleedahay?

Maanyadii baddaadee cirka midabka u ekeyd
Malleygiyo badjiifkiyo maraakiibta quustiyo
Meel lagu dabaashiyo meel lagu dalxiisiyo
Marso laga hoggaanshiyo maamul suga ammaankiyo
Wixii muunad quruxeed sidaa kuugu meernayd

Mooskiyo babaygiyo khudraddii macaankoo
Meelabadan adduunyada magaceenna lagu qoray
Mirihiiyo liintii meelkastaba ka bixi jiray
Moxoggiyo sabuulkii mawaashida la siinjiray
Maandooriyaal badan miyaa lagu badalay taas?

Meeshii tacliintiyo maamul kala danbayn iyo
Maaraynta guud iyo machad iyo iskuul iyo
Milcaamadihii diintiyo masjid lagu salaadiyo
Mukarama jidkeedii milicsiga ku fiicnaa
Maxaa keenay badow iyo inuu geel ku mayraco?

Muqdishoy waxaad tahay madaxii dalkeennee
Mar haddaad sidaa tahay maamuusna mudan tahay
Magaalooyinkoo idil meeshii laga hagaayiyo
Miskaxdiyo wadnaha iyo mu`dii adigu aad tahay
Maxaa marada kaa dhigay Moqdishoy maxaa dhacay?

Aan mala awaalnoo murti aan ku sheegnoo
Muqdishoy wixii dhacay mid mid aan u qaadnee
Miyir iyo aqooniyo abwaan muhashadiisiyo
Miskax caafimaad iyo miisaan xaqa ku eegnee
Marxabbiyo guddoon wacan taariikhdu waa marag.


Haddaan maalmihii tagay mashaa`iikhda lagu layn
Haddaan maalmihii tagay masaakiinta lagu dilin
Haddaan maalmihii tagay mushrik lagu dayaafeyn
Haddaan maalmihii tagay mujrim loogu sacab tumin
Musiibada intaan le`eg malaha kuma asiibteen?

Mid kaloo ka daran taas madaxweynahaagii
Mas`uulkii dalkee yidhi macbud baan noqonayaa
Musxafkaan tirtirayaa maalintuu sidaas yidhi
Haddaan loo mashxaradayn laga noqon maqsuud taas
Musiibada intaan le`eg malaha kuma asiibteen?

Markuu laayey culimadii markuu laalay dhaqankii
Markuu xeerka qoyskiyo mushriknimo ku doobiyey
Haddaan loo mashxaradayn laga noqon maqsuud taas
Haddaan maqane joogiyo laga noqon ma oge taas
Musiibada intaan le`eg malaha kuma asiibteen?

Midkaan noqon kacaan oon marna kheyrka maanicin
Muuminnimo daraadeed midkii diiday laaluush
Markii laga fogaadee loo bixiyey magacyada
Wax mataro qabiilkiyo ma tabcade layidhi kaas
Maxaa looga jeedoo la maldahayey waagaas?

Miyi iyo magaalaba markii adiga kaligaa
Wax kastoo macaaniyo wax kastoo mushaariyo
Waxkastoo manfaco badan meel qura ladhigayoo
Maandeeq hasheennii lagu maalay kaligaa
Maxaa looga jeedoo la maldahayey waagaas?

Muqdishow mariid iyo mushrik iyo hawaas iyo
Ma tukade wasiiriyo musuqmaasuq oo idil
Markay kugu hoyaadeen minankaaga seexdeen
Masaakiintii laayeen adiguna mashxarad iyo
Marxabbiyo wanaag tiri adba taas ma moogeyn

Muwaadiniinta qarankiyo maxastiyo caruurtiyo
Martidiyo socdaalkiyo magantii ku nooleyd
Muqdishow dhexdaadiyo intii marada laga furay
Muxajab hagoogneyd loo dhacay malkada hoos
Mowlihii sarreeyiyo Rabbigood ma moogeyn

Mid kadaran middii hore mooryaan hubsidatiyo
Ku marqaamay waa hore miyirkuba ka maqan yahay
Markay kula wareegeen marduuf lagu qayila iyo
Madfac lagu dagaaliyo mansab laga xishoodiyo
Muran aan dhammaaneyn meshii kusoo haray

Mar haddaanan hiil iyo hoo maanta kuu hayn
Mar haddaan agtaadiyo qaaraddii madoobayd
Mar horeba kasoo tagey maxaan kuugu aallaa
Inaan murugadaadiyo mahadhada xusuusta leh
Meeris aan go`ayn iyo suugaan ma guurta ah
Ku maddeeyo taariikh waa midaan awoodoo
Rabbi igu mannaystoo marna kaala daalayn.

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo