Gabaygii:Mucaarad
Gabaygan waxuu tirshay xilli dowladii soomaliya mucaarad ku ahaa waxuu yidhi Abwaanku
Aarkaba haddii wiilal dili laysu daba joojo
Marka horre sidduu deyrka jabin ways dalliciyaaye
Dabadeed ninkuu dili naftay kala dardaarmaane
Markuu duubi-weynoo indhaha dibada soo joojo
Oo door ka laayoo ilkaha darib ku haanfiiro
Bal dayaay ninkii dalash ahaa sooma daakhilo e
Laba dibi dinaahayn ka siman jeeray dirireene
Daafaha intay kala jiraan wax isma doorshaane
Doc ka dhugadka daymada danbaa mid is daleenshaaye
Haddii daawad deyr loo dhigoo baarqab lagu daayo
Oo dabar lasoo dhaco midkay kabadu diifaysay
Bal dayaay markuu doobta rido wuu durduriyaaye
Orgi door ah oo naag dir badan adhi kusii daysay
Hadduu qabad dan galo oo riyaha qaylo kaga daadsho
Bal dayaay markuu geeska daro waa durduriyaaye
Afartaasi waa gabayga dadan dadabdhigiisii dheh
Warsangaliga cadho daalisee dibinta ruugaaya
Dirir haddii uu maagana arliga dumuq ka siinaaya
Bal dayaay dad buu ii xigaa waana daraftaye
Suldaan duub leh daaraha khatiman badaha duunkooda
Hawiyuhu dabkiisii sitee dooni amarkiisa
Bal dayaay dad buu ii xigaa waana daraftaye
Mareexaan haddaan wiil u diro laysu soo durugye
Ogaadeen dal dheer iyo wuxuu wabiga daanshoodo
Hadduu dirir xigaalkii og yahay igama daaheene
Damta iyo dinnaagada harruu kaa dul baxayaaye
Haddii dalandal kaa fiigo waa dooxanahayaane
Allay lehe inaan daynahayn duunka kaa hadha e
Intas oo kun dawladi anooy dunidan ii joogto
Markaan Dabacayuunoow arliga nabad ku daaqsiiyey
Allay lehe inuu daawo furo waa gun dalabkeede
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed