Gabayga: Midnimo
Gabaygaan waxaa uu la magac baxay Midnimo waxaana curiyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi oo ku nool wadanka Uganda Waxaana Gabaygan soo baxay 21/8/2006. Gabaygan oo ah gabay Wadani ah oo ka hadlaya Xaaladda ay ku suganyihiin dadkii iyo dalkii soomaaliya ayaa waxa uu muuqaal guud ka bixinayaa ugu Horayn ararta kadib sida ay ummadda soomaaliyeed u tahay dad Isku mid ah oo isku midab ah iskuna diin ah hase ahaatee ay Dhibaatadu tahay isfaham la`aan iyo is aamin la`aan ku dhexjirta Umadda Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo gabaygu ku dheeraanayaa dhibka iyo Darxumada Lasoo gudboonaatay shacabka ayada oo waliba dadkii falka xun Gaysanayay lagu sii dalacsiinayo oo ayaga jago lagi siisiinayo Ada Oo Ummaddeenu u arkaan in xalku ku xiran yahay Dowladdo Shisheeye oo dano gaar ah wata.
Gabaygan waxa uu muujinayaa sida ay u wacan tahay midnimadu Iyo sida aannaan u fahan sanayn ayada oo midnimadii loo Adeegsaday mid ku dhisan Qabiil balse aan Qaran cidna usoo Jeedin.
Ugu danbayn waxaan kusoo gabagabaynayaa talo aan u dirayo Walaalahayga Midowga maxaakiimta oo ayagu gacanta ku haya Gobolo badan oo ka mid ah Koonfurta soomaaliya aniga oo ku Guubaabinaya sida ay dadbadan ila qabaan inay ugu horayn Magaalada Marka ka hirgaliyaan Maxkamad ilaami ah inta aysan Duullaan ku qaadi Gobolka Mudug shirkana ay ka qabgalaan…
Midnimo
Anigoon maryaha xiran aqoon oon martabad gaarin
Ayuunbaa murtidu igu duxdiyo mooshinkii gabaye
Mowlaha ilaahbaa I baray kala macnayntiise
Marba xaaladdii taaganbaan miro ka taabtaaye
Maantana tixdaanaa cusube mahad Allee hooya.
Mahuraanka soomaali waa miro walaallaaye
Maariinka midabkeenu waa muunad gooniya,e
Diintuna midweeyoo islaan miiran baan nahaye
Mujrim kuma jiriyo gaal harkii macatab qaataaye
Waa wada maxaafidul qur`aan miro yar mooyaane
Hayeeshee madmadow baa kujira muumin nimadeene
Mawaafaqadi baa naga dhuntiyo maqalki fiicnaaye
Maskaxdeeni baa laga masaxay inaan midownaaye
Iminkiyo markii aan dhashoo magaca laydooray
Soomaali waa muransanayd maalin iyo layle
Miyi iyo magaalaba dhibbaa meelkastaba yiile.
Inaan maamul wada jira dhisnoo meel iskugu guurno
Mabda eedibaa inaka maqan inaan midownaaye
Haddaan mowqifleenahay inbadan milic majoogneene
Maslaxaddeena kama tuugsaneen gaal muraaddalehe
Males iyo Siyaas uma tasheen toban mataanaaye
Muqdishiyo hargaysaan waqood kala maqnaadeene
Kii maxasta laayaan noqdeen mudane reerroode
Mishin laguma fuliyeen raggii magaca waynaaye
Miinadu maleyseen caruur loo fasaxay meelle
Madfacuna quraac uma noqdeen maato taag darane
Waxaa miigo loo xiri lahaa muumin kii dilaye.
Mooryaan makala qaybsateen maal dadleeyahay,e
Markay soo marqaamaan marduuf uma dilleen ruuxe
Mijin qaadda awgeed qofnool baas ma mariyeene
Midnimadu inay wacantahaan idin muhiim siine
Haddii aan martabad leenihiyo maamul talinaaya
Intaasoo mushkiladdood miyaa dhici lahaa maanta.?
Maqal iyo wax qabad wada jiraa lagu macaashaaye
Maantii dagaal uu dhacoo qiiqu milifaado
Haddii miigan oo igar ah iyo maal lakala qaado
Mid magoogan loogama hariyo kii magtow xigaye
Yaamaali jiray baan dhahnaa waana loo maragge
Waxaa loo mutuxan yahay qabiil qaran ma eegtaane
Haddii ruux masalo fiican iyo xaqa ku maansoodo
Warmuxuu ahaa baad dhahdaan mahadin maysaane
Mar hadduusan kula hayb ahayn mirir ma dhowrtaane
Maskaxdaa qabyaaladdi dagtoo malaxi jiiftaaye
Qabiilbaa inagu maamushoo mooye noo tumiye
Minjo xaabo tuux doonayaa loomashxaraddaaye
Magta maadharraa laga baxshaa muumin soo dilaye
Muraad looma galo tuug hadduu reerro mirayaaye.
Soomaali magaceed muxuu maanta sharafbeelay
Miyirkiyo ismaqalkii muxuu naga madoobaaday
Mucsurkiyo Abaarraha dhiciyo milicda jiilaalka
Macaluul daraadeed maxaa maato le anaysa
Maxaa muusanow iyo baroor meekastaba yaala.?!!
Maxaa madow inaga liidan jiray marakan xoogaystay
Maxaa kuwo madiidimo ahaa muruqku faanaaya
Murug iyo dhib waxaa noogu filan kala maqnaanteene
Goortii qurbaha lagu milmaa maarmi waa dhacaye
Muxubadaan dalkaygii u qabo maan malayn karo,e
Inta aan matoobiyo Go` iyo macawis dheer qaato
Inaan xamar mushaaxaan jeclaa maalin iyo layle
Haddii aan mashaqo iyo qax dhicin kama maqnaadeene
Afrikaan madow ima dheheen Mani mahaysaaye
Mudug iyo kismaayiyo Burcaan meel un dagi laaye
Nabadbaa macaanlee Allow maanta nagu caawi.
Afartaas murtidi aan qoriyo miinki aan dhigay dhe
Miisaalo guud iyo maslaxo qaran midowgiidhe
Ma`an badiyo haddalkee haddaan mar ugu soo laabto
Wadaaddada maxaakiimta iyo madaxda Baay joogta
Wadadeey maraanbaa shacbigu maanta sugayaane
Waxaa laga maleeyaana waa inay midoobaane
Qofrabaa majiro inaan collaad maanta hurinaaye
Hayeeshee madmadow baan arkaa maalmahaan jira,e
Muftaaxii ka baxay Xamar anoo mahad ka dhiibaaya
Midyar aan ku daro taladu waa lagama maarmaane.
Ruuxii maslaxad doonayoon dabin maleegaynin
Inuu shacabka meermeeriyaa ma ahan dowgiise
Hadba meel ku duul waa waxaan laga macaashayne
Mabda aan shaqaynaynin oo mirirray weeyaane
Mudo aan yarayn baa Puntland maamulkeed jiraye
Marmarsiinyo loo heli mayoo ma`ahan meeshiiye
Marka idinka oon qabanin oo aan maxkamad gaynin
Oo shacabka midigtooda galin maamulkiyo xooga
Inaad meel kaleeto u kacdaan waa micno la`aanne
Ismaqiiqu waa ba`anyahee Mudug kasoo jooga
Oo miiska wada hadalka taga waa maslaxaddeene..
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed