Qamaan Bulxan ayaa in muddo ah aamusay oo hadal laga waayey, isagoo ka xun xaaladda xaaskiisa Barni oo lagu sheegay inay nin kale la socoto iyadoo aan isaga la fasaqin (furin) ama uusan dhiman. Xaaladdu waxay ahayd mid aad ugu adkayd.

Markii ay nimankii ilmo-adeerradii ahaa arkeen aamusnaantiisa, waxay weydiiyeen: “Qamaanow, maxaad u aamustay?”

Wuxuu ku jawaabay tixdan murugada leh, oo ka mid ah gabayadii caanka ahaa ee uu u tiriyey Barni:

  • Lix hal maansadaan tirin lahaa, yaan isaga meershay
  • Mufti culimo sheekh lagu mintido, oo xaq kala miira
  • Oo jeer dhawayd magac lahaa, amase maamuus
  • Masala gaabka maagan ee qarsoon, yaan isaga meershay
  • Anoon mariintideedii dacniyin, meel fogna aan joogin
  • Naag meher qabtaa waa mubaax, macallinkii keenay
  • Dadka maatidaa u kala jirtay oon, muran ka oognayne
  • Haddiise haatan lays kaga maljaday, murug adduunkiiye
  • Muslinoow bal arag xaajadaa, laysku malaq siiyey
  •  
  • Maadhiinka buuxa iyo intay, midigtu laabmayso
  • Haddaan midhaha Reer Magan Warfaa, magacu duugoobin
  • Rabbi boow markhaati ah inay, miir la dhici doone

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo