• Indhawayd mabaadii kalaan, mihindisaayaaye
  • Maaweeladii iyo ka tagay, majadii gabaye
  • Ceel maaxsan baan shubaayaa, maalin iyo leyle
  • Ii muuqan maayaan waxaad, idinku moodeene
  • Maadooyinkaan fiiriyaa, waaba meel kale e
  • Anoo maqan haddii la i arkoo, madaxa laalaadshay
  • Miisaanadaan beegi iyo, rodoladaan miiso
  • Markab aan xambaartiyo ka culus, moodhar aan sido e
  • Mashaariic sidaasaa igu furan, Eebahay magane
  • Murug iyo wareer baan qabaa, layna moog yahaye
  • Calool muusanawday dishiye, ima maqalaysaane
  • Nin marqaan u jeediyo xarrago, hay malaynine e
  • Maxaa yeelay maamustii way, macangagaayaane
  • Maar dheeshay waa lagu hubaa, miridh aroortiiye
  • Mooraal habaas yeeshay baan, maydh is leeyahaye
  • Militariga Soomaalidow, bal laan ku maaweelsho
  • Malkada ugu horaysana haddaan, madaxa guubaabsho
  • Margi balaqa awrkii hoggaan, lagu makaabeeyey
  • Kan xidhiidhka la isugu maree, daba mushaaxaaya
  • Tallaabadiyo miidaankuu socdaa, ways matalayaane
  • Oo geelii mildhaawuhu qabtee, didayey ee maagtay
  • Miyil-weynkii baa loo tumiyo, neef u maakar ahe
  • Maahmaahdu saasay ahayd, waanad maqasheene
  • Marmaroor tusyaa iyo jidkii, toosan mariyaaba
  • Siduu ula macaamilan jiriyo, maamulkuu barayey
  • Ardaygu meel uunbuu uga ekaan, macallinkiisiiye
  • Masaladaa halkaasoo kalaan, kaaga maakibiye
  • Offishaalaha miidhanoow, mooyi say tahaye
  • War gaadhigan marsada kii hayee, waday mashiinkiisu
  • Mitir maylka shaallee hadduu, maanka ka illaawo
  • Amase uu jidkuu marin lahaa, miino kaga aaso
  • Mashaqiyo dadkii fuushanaa, mawdba waw halise
  • Sheekada macaan ee dhagaha, layska maqashiiyo
  • Iyo dawgii muuqday oo si kale, loo macaamiliyo
  • Masiibiyo inay cudur tahaan, marag u haystaaye
  • Mataankaagii ood xaasidaa, murugaday keento
  • Carabtii midowdaa og iyo, kii macooda ahe
  • Masarba waa wixii lagu qabsaday, gacal la moohaaye
  • Offishaalaha miidhanoow, mooyi say tahaye
  • Dadka magaca Soomaaliyee, meel kastaba jooga
  • Ee ministarada qaar yihiin, madaxda loo sheego
  • Ee qaar masuulka yihiyo, mudanayaashiina
  • Ee qaar maxkamadii noqdeen, moodeeyno xukaanta
  • Ee qaar shaqaalaha markaa, miisa yahay hawsha
  • Ee qaar iskuulada murtida, looga marinaayo
  • Ee qaar macallimiin yahee, wax u micnaynaayo
  • Ee qaar magaalada dagee, qaar miyiga joogo
  • Ee qaar mushtariga yahee, moodka gadanaayo
  • Ee qaar musheekhdii yahee, dhigaya Mowliidka
  • Ee qaar gumaysigu mutee, dhiiga laga miirto
  • Ee qaar maatada yihiyo, muunadaa dhalatay
  • Ee qaar mardaadiga xarrago, wada mushaaxaayo
  • Ee qaar  maxaabiista yahay, manida tuugaysa (money)
  • Makhluuqaa aan soo sheegayee, kala meeqaan liita
  • Cudur wada maseeyaa jiroo, aan mid uga laabnayne
  • Maxaa iigu jira weeye oon, maaro loo heline..

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo