Gabayga: Masuul
Siyaasadan is maydhee u dhig, maadda iyo cayda.
Ee masiirkii lagu dooriyee, galinba meel joogta.
Ee cayda laga maagi jiray, loo mushahar-qaato.
Ruuxii masuul noqnayaa, uu maryaha tuuro.
Oon la rabinin ruux miirqabiye, ruux macno toona.
Macbuudoow Allahayoow, adaan kaa maciinsadiye.
Maatadda u door meel haboon, maalig baa tahaye.
Waa duni mashquushoon ogayn, moos loo xidhiye.
Waa duni masuul looga dhigay, maahaniye tuuge.
Waa duni maslaxo iyo dantii, moogan idilkeede.
Waa duni mid liitiyo mid ladan, maar u kala taale.
Waa duni miskiinkiyo la dhaco, maato taag darane.
Waa duni mudluunoo dadkuba maanku uu gudhaye.
Macbuudoow Allahayoow, adaan kaa makaabsadaye.
Jid muhiima noo bixi Raboow, maalig baa tahaye
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed