Gabayga la magac baxay “Maraq-rog” waxaa tiriyay Abwaan Jaamac Roob waa hal-abuur aad iyo aad u qiimo sareeya.
Sababta oo ah, Abwaanku wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa:
- Midnimada Umadda,
- Qaayaha iyo Liibaanta,
- Badhaadhaha lagu helo ku dhaqanka midnimada.
Anigoo ah Cumar Ismaaciil Digeed, amin aan la sheekaysanayay Abwaanka saaxiibkay ah. Waxaan ka codsaday inuu midnimada wax ka soo dhaho/gabyo, maadaama ay tahay arrin weyn oo mar walba ka guuxda maankayga. Inkasta oo aan aniguba suugaan kala duwan u hibeeyay midnimada, haddana wali ma tirin gabay la mid ah kan.
Waxaan ku amaanayaa saaxiibkay Jaamac Roob:
- Fiirada dheer ee uu kaga hadlay midnimada,
- Ku-soo-hal-qabsiga haybadda leh ee uu ii muujiyay.
Waxaan filayaa β waana say tahaye β in gabaygani uu noqon doono kan ugu culus suugaanta intii abid looga maansooday midnimada.
Abwaanku wuxuu gabaygaa oo ka kooban boqol iyo dhowrka meeris ku bilaabay sidan:
MARAQ-ROG) (21/09/2025)
1)Cumaroow adaa iga mudnaa-maamintii gabaye,
2)Adigaan muftaaxiyo xidhaha-kugu majeertaaye,
3)Hayeeshee midhkaad beer i tidhi-way isu mirayaaye,
4)Macaankiisa khaafiyada oo-loo miyirin’naayo
5)Milgihiisu waa xulashadoon-kaa mugdi ahaane
6)Midnimada intii loo tirshaa-ugu mugwaynaane
7)Maantana ujeedada hadaan-meel isugu geynay
8)Waa inaan marriimaa digeed-maasaduu rabo’E
9)Wixii iga marroor’samma adigu-maandhe iga toosi????
10)Adeegii mushtamac- caafimaad waa midhkii hore’E,
11)Adoo madax bar’baar iyo kartidda muusha lagu siiyey
12)Muhashada adoo hawlo jira kala macnee doonay
13)Mar haddii xubnaha cuddur melmelo- mooji orodkiiye
14)Ka soo maagge inay kuu qabtaan-malihi kuu yiille
15)Iyaddoo tayadda loo marroo macallinkii keennay
16)Meeshiyo digfeer daawaddaad muda u soo joogtey
17)Maggaceeddi oo nuurraddaa layska magayaaye
18)Ma taqaan qabiil iyo midnimmo kala macaankooda?
19)Abni waa muraayade intaan mahure kuu joogin
20)Mahadhiyo gumays’tuhu wuxuu tiisa nagu meershey
21)Mashruuciisa qaybida ku ladan marin u soo jeexay
22)Waatii qoloba’qolo lagu mudee maarihii wadhaye
23)Muruq dawladeedoow markii maxamed kuu ciidmay
24)Mici dhiiglayaal iyo bulshada meel la kala saarray
25)Marti iyo wadani baa dilkood kayska maanacaye
26)Maantana intay dhaaftaybaa lays dubaa miridhe
27Ma taqaan qabiil iyo midnimmo kala macaankooda?
28)Murti iyo ku maahmaah afkiyo-meeris gelintiisa
29)maqaalkaad qor doontiyo wixii-adigga kuu muuqday
30)Dhaxalkii midnimo inuu ahaa-muran dil weeyaane,
31)Ama aan cidkale kuu macayn-maragna kuu buuxo
32)Mudaday jirtaay waxa ka badan-maalmihii lumaye
33)Manhajkii aqoontiyo wixii-maandhay laga boodey,
34)Mus’ka daadadkii waxa lummay- meel ku leeddahaye
35)Mar hadaan qabiil ii madbacay- iiba marinaynin
36)Maxaan jaale kaga meerayaa-waa mayoo qudhahe????
37)Magli lagu difaaciyo dalkii-mooska adag haystey
38)Meeshuu ku duulana dalkii-maalin qabanaayey
39)Midnimaa dhashaye reer xagaa-haygu maakubine,
40)Markii maato laayuhu furfuray-laga maqnaan’waaye
41)Isna kama macaashine cidluu-mowda ka hayaaye
42)Mahoobiga baddeennii ku dhacay-ama jariif miistay,
43)Cad’miskiin intii looqubuu-maansho’leeyahaye
44)Oromaa na maahmaahatiyo-lama malays’taane
45)Maxaan jaale kaga meerayaa-ceebta noo madhaxe?????
46)Muqdishiyo mareeriyo berbera-cadow madoobeeye
47)Mahadaay waxay midho lahayd-waa la moogyahaye
48)Warshadihii manfacadii dadkiyo-aarmi laga maalay,
49)Midnimada dhistaay waxay ahayd-kumitid waagiiye
50)Maangaabyadii naga rogaa-maanta soo tubane
51)Maxakabad inloo taago yaa-meeshan ila leege,
52)Mudaday jirtaay waxa ka badan-maalmihii lumaye
53)Mar hadaan midhqudha lay-dhisayn lana malaynin
54)Maxaan jaale kaga meerayaa-waa mayoo kale’E???
55)Maamulkoodi seeraha markii-meesha laga saaray
56)Macaluusha loo sahamiyaa-xaaqday mudan’noowe
57)Miyi xoolihii loo ogaa-magacka soo doogye,
58)Marmar awrleh dibidiyo intii-adhi mugiisiiya,
59)Marso lala heshiiyiyo markii-suuq la marinaayey
60)Muhiimbuu dhaqaale u ahaa-maalka dowliga’E,
61)Dadkii moodka adag siisan jirey-maanta kuu nace’E
62)Moolkaa wixii nagu guriyo-ciido kala miiska
63)Miyay jaale ii marin faleen-waa mayoo saxahe?
64)Maqaankii socdaal sharaf hadii- lagu mushaaxaayey
65)Sharciyada aduun lagu mariyo- fiise lagu moodo
66)Midnimaa jartaye inna qabiil- kuuma meel dhigine,
67)Madiidada shiyeeyaha siddii- loogu kala miirmay
68)Meeshuu kudhacay baadhe hela- looma mucurtoone
69)Toobal’caarradaa lagu marraa- soo muraadsiga’E,
70)Mar haduu qabyaal iga masaxay- maadin kari waayey
71)Maqalkeeda soomaalidana- laga mashiiqaystay
72)Maxaan jaale kaga meerayaa- waa macno la’aan dheh???
73)Haween muunadood sayga iyo- waa marwo ahoowe
74)Hadii mowd ka qaadana sikale- muuqa laga yeelye,
75)Mar hadaan dumaal midhif rogiyo- ma hure loo keenin,
76)Maariin dhalaalkii bedele- midabo doorshaaye
77)Magar goboladuu fuulayee- hibo mataalkeeda
78)Macnahaa dalkeenaa ka dhigan- maahir dabadiiye,
79)Maseeyaay marwada soora buu- maanta tebeyaaye
80)mar hadaan dadkiiyoo midh ihi- mowjado u yaacin
81)Maxaan jaale kaga meerayaa- daalku waa maya’E???
82)Guga oo mudaba da’ayayoo- maydhay aradkeena
83)Maalin nabada isagoo curtoo- daadku mulac’yeeyey
84)Maqashu is dhex yaacdiyo caruur- farax la muusootay,
85)Midhaha uga soo baxa nafluhu- miida’dowsado’E
86)Ana gabayga maan maanicine- miidhay xarafkiiye
87)Afartaa hadaan muran’nacoo- maar isugu jeebay,
88)Mowduuca anigoon ka bixin- meela uga leexan
89)Ummaddii masaallaxo rabtaa- hayii iL mariyeene
90)Midh tallaa aan raacsado kulay- milay la buuraato???
91)Sahankii abaar dhowr maree- geeda idil moodey
92)Mooyi awrti lagu soo rarriyo- male ku soo guurka
93)Miidan’day seeg baa la furay- mahad la’aaneede,
94)Midigta iyo bidixdaan ishayn- xaajadaa murugtay
95)Say isugu miciinaan dantana- loogu wada maarmo
96)Maskax daacad ihi gelin’qudhay- meel wax dhigaysaaye,
97)Waa inaan markale hawl’galoo- madhan ka guuraaye
98)Xaafadaha intii lagu maqnaa- magacu boodhowye
99)Majaha uga kaca waad kartaan- inaad madiidaane?
100)Waayeelka xoogii ka madhay- miiganaan jiraye
101)Maydhaxoow haduu shaqa tegoo- beri maqiiqnaaye
102)Maalmaa u hadhay nolosha tane- muuqa ha u dhixine,
103)Dhalinyahay aduunyadan mijilan- meerahana gaadhey
104)Khayrkaa mataan iyo durdura- mooda lama siine
105)Ama nool maraakiib ku raran- looma marin jeere,
106)Waxa ay martabada u heleen- maamulbaa haga’E
107)Adna waad ka mudhi’layd hadaad- wada jir maagtaane
108)Marqudha isku daya waa intaad-guul ka mudataane???
109)Aarraarta waataan maree- maraq’rog weeyaane
110)Meher dumarka waxa loogu xidhay- waa meselo diine
111)Midhka hadala waxa loo guntaa- yaanu maax’dumine,
112)Inta aan hawadu ila mir’dhicin- maadna iga duubin
113)Waa inaan sidii macalin dhiga maado ka hadhaaye
114)Cumaroow hadaad mari i tidhi- gabay muraadkii leh,
115)Midnimmada ku dooniyo hadaad meesina is taagtey
116)Inaadeer intaad iga mulkido- igana miisaanto
117)Waxaan miisku iga yeelahayn maya ka soo jeedi????.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed