Gabaygii:Β Mahdabta shanaad

Rag door ah oo gabyaa ah ayey isu gabyi jireen Aadan-Carab. Rag kale ayuu ka yaabay iyana ku biiraan oo uga hiiliyaan kuway gabayga isku maagaan Markaas ayaa Aadan-Carab gabaygan oo uu ugu cagajuglaynayo u tiriyey si aanay usoo hawaysan. Wuxuuna yidhi


Siduu Xayle madax reer-tolkii uga muraaddeeyey,
Oo kii is muujaba xabsiga ugu malaasaayo
Yaa ii maloodaye intii muuqataan diliye,

Isagubu mas’uuliyad u diid reer Mukaannina e
Ina Mililig buu xabashi yiri hooy mid ka ahoowe
Iyagoo manjaha ciid ka badan ama malyuunaad ah
Inuu keligi malabkooda cuno weydin maqasheene
Ma muddaahaneeyee haddana wuu maroorsadaye
Goortuu xanjada muudsadoo miidda ka idleeyo
Ee waxa macaan kala buxuu murudka siiyaaye.

Aniguna ninkii aan mooy i odhan waan maraanmariye
Mandheeraan idiin diri dadyohow ii musuusuqiye
Maqsin baan idiin furi hadhuudh lagu masruuftaaye
Baddaa murugtay baan moolka dhexe idin muquursiinne
Oo waan idin masaafurin ilaa toban kun oo mayle


Isagaa magayniyo ahaa mudan xigaalkaye
Haddaan Samatar meeshuu fadhiyey kaga maqnaanwaayey
Oo Cumar markaan maagganaa moosin ila jiidhay
Ma cid baan martabad siinayaa malaki sow mi ihi.

Afartii muftiye Diinta dhigay Mahamedna u keenay
Sidooday madbacadda ugu taal maansadaan idhiye
Mahdabtaa shanaad baan dejayood ila murmaysaane
Inkastoo midhaha laga sinmo iyo madasha luuqdeeda
Murti baan ka reebaa hadhiyo anigu maahmaahe
Misaan haddii aan hadal lahayn waa micna la’aane

Maskax baan lahaynine horaa la midiidimaye
Ma maroorsibaa gabaygu waa ii mihiib galaye?
Maa layga maashada haddaan la iga maarmaynin?
Mulki baan u yeeshaye maxaa lay matiyi waayey?
Maskab kuma qabee jeer miyaan laygu magacaabin?
Waa maxay dadka u muhanayaa meheraddaan haystay?

Amba kama mahoobbiyin tolkay maansadaa badane
Masar iyo Kharduunna uma tegin mana masaafoonne
Kamana mudanin shiikh ii marsha oo macrifo i dheere
Waan mihindisaye iima dhigin macallin yeedhshaaye
Waa shay maqaaddiir ku yimid aan yar maammulaye
Sow duul masayr ugu dhinteen madadka lay siiyey

Wiil baa masalo ii dhigtaye miinyo xumadiisa
kuwaan mooggan waa murakabkaa meydka shaabaha e
Mugduu soconayaa nacas hadduu maalin joogane e
Hadba doqon marraysani ha galo maadhikiis adage
Maantana kumaa soo mudh yidhi moodki baa wada e.

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo