Maansadii: Mahad-naq Eebe
Ib furay, ku il furay Ilaahi
Eebaha naxariista guud leh
Eebaha naxariista gaar leh
Eebaha naxariista guud
U simay gaal iyo islaamba
Eebaha naxariista gaarna
Intii amarkiisa raacda
Abaal marrin uggu hibeeya
Awood adigaa leh Eeboow
Itaal adigaa leh Eeboow
Amaan adigaa leh Eeboow
Adaa iin iyo nusqaanba
Eeboow ka nasahan xumanba
Asmaadiyo magacyadaadu
Adaysan ahayn mid kooban
Aduun ka hor iyo ifkaanba
Adaa awal jirayna joogay
Adaa iminkiyo hadhoowna
Ahaannaya baaqi waara
Adaa arladiyo makhluuqa
Wax uuman waxaan imaanin
Wax aasman wax oogta saaran
Adaa attam iyo mid weynba
Aheeyay abuur dhamaysa
Anoonan ilaawin deeqda
Anoonan inkirin wanaaga
Anoon ka af-xidhan samaanta
Eegiyo iminkadan la joogo
Wuxuu yahay aynigeygu
Ayaamaha iyo gugeyga
Intaan soo maray amuurba
Wixii amar dhacay falkiisa
Adaa ii qoray si ooggan
Astayna adaa hormeeyay
Adaa uur hooyo Eeboow
Adaa igu uumay Eeboow
Adaa amintiyo sidkaygii
Ayaamo ka yeelay Eeboow
Afrane sadex laab ekaysan
Markuu eber midigi raacay
Adaa ajashiyo naftayda
Amaaniyo ruux afuufa
I siiyay intaad ahaysay
Alayl dama duhur ayaan cad
I’maanshihii dhaladhadeyda
Adaa umushiyo xanuunkii
U aayaray hooyo Eeboow
Itaal anigoo leh Eeboow
Adaa if’ ikeenay Eeboow
Misana ehel khayrle Eeboow
Adaa igga uumay Eeboow
Adaa isir iyo dir suuban
Adaa ubad iiga yeelay
Adaa ab’san iigu deeqay
Aduunka kolkaad i keentay
Adoon igga rabbin abaalba
Adoon iib iyo amaahna
Midkoodna i odhan ku doorso
Adaa igga dhigay abuurta
Ilwaad mid leh oo itaal-san
Adaa adimada jidhkayga
Adaa adhaxdiyo dhigteeda
Lafahan kala ooda jiidhka
Adaa ubucdiyo korkayga
Adaa udub iyo xad-dhowra
Amaan ugga dhigay ilaasha.
Wadnaha idhinkee jidhkayga
U weyn unugyada shaqeeya
Ahaan muruqleey yar weeye
Intiisu tantoobo weeye
Ekeentana buufin weeye
Abuurta halkuu ku yaalo
Aagaa bidix laabta weeye
Arooraha dhiiga qaada
Halbowlaha ururinaaya
Adaa unugyada habaaya
Wadnaha uga dhigay il’buuxda
Adaa sankan uduga dookha
Udgoonkiyo hela lidkiisa
Adaa ilinnadan ku yaala
Irdaha neefsiga fudeysha
Albaab uga dhigay dalool-san
Adaa dhago ereyga kooba
Ortiyo yeedhamada u qaybsan
iliilahan jabaqda soorra
Adaa Eeboow dareen-san
I siiyay I siiyay deeq-san
Adaa indho aragga qaada
Ishaartiyo ficilka muuqda
Ekeeya misana eheeya
Ugeeya kaskoon hilmaamin
Adaa Eeboow dareenkan
I siiyay I siiyay deeqdan
Adaa afka iyo dhawaaqa
Adaa akhriskiyo qoraalka
Adaa alifkiyo xuruufta
Aqoonta i baray duxdeeda
Adaa edebtiyo dulqaadka
Adaa anshaxiyo garaadka
Asluubtiyo ficilka suuban
Adaa amarkiyo xaqaaga
Alayl san adaa I siiyay
Intaan noolahay aduunka
Agtaada ma diidi doono
Afkaygiyo dhimiradaydu
Amaantaadaan ku quudhin
Qalbiga adiguun ku doona.
Aduunka dhibtiisa Eebe
Adaa igga jiray inkaarta
Adaa amni iyo barwaaqo
Aasaas uga dhigay naftayda
Agaasim abuurid maanso
Aaraar Alla-bari ku dheehan
Ilhaan duluc bari adoonka
Abuurta awooda Eebe
Astayn unkid-erey digeed.
Maansadan qaybteeda kale wali qalinka iyo khadka danabaysan wali kuma qoran idam Alle waan soo gudbin.
Murtiyosuugaan
Qoris, Curin iyo tabin Mr: Cumar Ismaaciil Digeed