Cumaroow adaa iga mudnaa-maamintii gabaye,
Adigaan muftaaxiyo xidhaha-kugu majeertaaye,
Hayeeshee midhkaad beer i tidhi-way isu mirayaaye,
Macaankiisa khaafiyada oo-loo miyirin’naayo
Milgihiisu waa xulashadoon-kaa mugdi ahaane
Midnimada intii loo tirshaa-ugu mugwaynaane
Maantana ujeedada hadaan-meel isugu geynay
Waa inaan marriimaa Digeed-maasaduu rabo’E
Wixii iga marroorsamma adigu-maandhe iga toosi?
Murti iyo ku maahmaah afkiyo-meeris gelintiisa
maqaalkaad qor doontiyo wixii-adigga kuu muuqday
Dhaxalkii midnimo inuu ahaa-muran dil weeyaane,
Ama aan cidkale kuu macayn-maragna kuu buuxo
Mudaday jirtaay waxa ka badan-maalmihii lumaye
Manhajkii aqoontiyo wixii-maandhay laga boodey,
Kala miidhidaa igaga maqan-mooshinkii qarane
Mar hadaan qabiil ii madbacay- iiba marinaynin
Maxaan jaale kaga meerayaa-waa mayoo qudhahe?
Magli lagu difaaciyo dalkii-mooska adag haystey
Meeshuu ku duulana dalkii-maalin qabanaayey
Midnimaa dhashaye reer xagaa-haygu maakubine,
Markii maato laayuhu furfuray-laga maqnaan waaye
Isna kama macaashine cidluu-mowda ka hayaaye
Mahoobiga baddeennii ku dhacay-ama jariif miistay,
Cad’miskiin intii looqubuu-maansho’leeyahaye
Oromaa na maahmaahatiyo-lama malays’taane
Maxaan jaale kaga meerayaa-ceebta noo madhaxe?
Muqdishiyo mareeriyo berbera-cadow madoobeeye
Mahaday waxay midho lahayd-waa la moogyahaye
Warshadihii manfacadii dadkiyo-aarmi laga miisay,
Midnimada dhistaay waxay ahayd-kumitid waagiiye
Maangaabyadii naga rogaa-maanta soo tubane
Maxakabad inloo taago yaa-meeshan ila leege,
Mudaday jirtaay waxa ka badan-maalmihii lumaye
Mar hadaan midhqudha lay-dhisayn lana malaynin
Maxaan jaale kaga meerayaa-waa mayoo kale’E?,
Maamulkoodi seeraha markii-meesha laga saaray
Macaluusha loo sahamiyaa-xaaqday mudan’noowe
Miyi xoolihii loo ogaa-magacka soo doogye,
Marmar awrleh dibidiyo intii-adhi mugiisiiya,
Marso lala heshiiyiyo markii-suuq la marinaayey
Muhiimbuu dhaqaale u ahaa-maalka dowliga’E,
Dadkii moodka adag siisan jirey-maanta kuu nace’E
moolkaa wixii nagu guriyo-ciido kala miiska
Miyay jaale ii marin faleen-waa mayoo saxahe?
Maqaankii socdaal sharaf hadii- lagu mushaaxaayey
Sharciyada aduun lagu mariyo- fiise lagu moodo
Midnimaa jartaye inna qabiil- kuuma meel dhigine,
Madiidada shiyeeyaha siddii- loogu kala miirmay
Meeshuu kudhacay baadhe hela- looma mucurtoone
Toobal’caarradaa lagu marraa- soo muraadsiga’E,
mar haduu qabyaal iga masaxay- maadin kari waayey
Maqalkeeda soomaalidana- laga mashiiqaystay
Waxaan jaale kaga meerayaa- waa macno la’aan dheh,?
Haween muunadood sayga iyo- waa marwo ahoowe
Hadii mowd ka qaadana sikale- muuqa laga yeelye,
Mar hadaan dumaal midhif rogiyo- ma hure loo keenin,
Maariin dhalaalkii bedele- midabo doorshaaye
Magar goboladuu fuulayee- hibo mataalkeeda
Macnahaa dalkeenaa ka dhigan- maahir dabadiiye,
Maseeyaay marwada soora buu- maanta tebeyaaye
Mar hadaan dadkiiyoo midh ihi- mowjado u yaacin
Maxaan jaale kaga meerayaa- daalku waa maya’E,?
Guga oo mudaba da’ayayoo- maydhay aradkeena
Maalin nabada isagoo curtoo- daadku mulac’yeeyey
Maqashu is dhex yaacdiyo caruur- farax la muusootay,
Midhaha uga soo baxa nafluhu- miida’dowsado’E
Ana gabayga maan maanicine- miidhay xarafkiiye
Afartaa hadaan muran’nacoo- maar isugu jeebay,
Mowduuca anigoon ka bixin- meela uga leexan
Ummaddii masaallaxo rabtaa*- hayii iL mariyeene
Midh tallaa aan raacsado kulay- milay la buuraato,?*
Sahankii abaar dhowr maree- geeda idil moodey
Mooyi awrti lagu soo rarriyo- male ku soo guurka
Miidan’day seeg baa la furay- mahad la’aaneede,
Midigta iyo bidixdaan ishayn- xaajadaa murugtay
Say isugu miciinaan dantana- loogu wada maarmo
Maskax daacad ihi gelin’qudhay- meel wax dhigaysaaye,
Waa inaan markale hawl’galoo- madhan ka guuraaye
xaafadaha intii lagu maqnaa- magacu boodhowye
Majaha uga kaca waad kartaan- inaad madiidaane?
Waayeelka xoogii ka madhay- miiganaan jiraye
Maydhaxoow haduu shaqa tegoo- beri maqiiqnaaye
Maalmaa u hadhay nolosha tane- muuqa ha u dhixine,
Dhalinyahay aduunyadan mijilan- meerahana gaadhey
khayrkaa mataan iyo durdura- mooda lama siine
Ama nool maraakiib ku raran- looma marin jeere,
Waxa ay martabada u heleen- maamulbaa haga’E
Adna waad ka mudhi’layd hadaad- wada jir maagtaane
Marqudha isku daya waa intaad-guul ka mudataane?
Aarraarta waataan maree- maraq’rog weeyaane
Meher dumarka waxa loogu xidhay- waa meselo diine
Midhka hadala waxa loo guntaa- yaanu maax’dumine,
Inta aan hawadu ila mir’dhicin- maadna iga duubin
Waa inaan sidii macalin dhiga maado ka hadhaaye
Cumaroow hadaad mari i tidhi- gabay muraadkii leh,
Midnamada ku dooniyo hadaad meesina is taagtey
Inaadeer intaad iga mulkido- igana miisaanto
Waxaan miisku iga yeelahayn maya ka soo jeedi?
Kaydintii: Academiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Raacdayntii & Tafatirkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed