Gabayga: Maamuus
**Malkadeeda kama soo horaan, maarka loo dhigaye
**Murtisame sidiisaa tixaha, uma madeeyaane
**Manka sida Cadceed kama gurtaan, meeriskii adage
**Shuriye midhkiisiiyo sidii, Boobe may mudine
**Marwo luul sideediyo ciyuuni uma madiixaane
**Maanmaal sidiisaas naxwaha, uma macneeyaane
**Mansab iyo maqaamkuu lahaa, uma muddeeyaane
**Maamusna kuma ay lehee, way macmacayaan dheh
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed