Gabaygii Sayidka ee Ka Jawaabayey Dagaalkii Boqortooyooyinka

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu si fiican ula socday dhacdooyinkaas, wuxuuna ka jawaabay gabaygan caanka ah.

Nimanyahow dabuub gabay baryahan, uma dadaalayne

Wax idaaray mooyee xalaa, laygu soo dagaye

Aan dabiibto gabaygaygu waa, dab iyo baaruude

Unkad dirigriglayn baan ahiyo, dirirta cawleede

Daad soo rogmaday baan, ahoo dooxadii yimide

Aan durduro dabaal baan ku mari, Doollo ii xidhane

Dayax iyo shamsaan ahay haddaan, lay dafirahayne

Gudcur dam ah habeen dumay cirkoon, dacal ka nuuraynin

Ma danyado talaabada haddaan, dawga marayaaye

Dugsi haddaan la galin dhaxanta, waa lagu duloobaaye

Dabaylihiyo fooraa la tegi, daar waxaan galine

Deyrodhaafyadaan shidahayaa, dogobyo waaweyne

Dubaax ma aha xaajada midaan, diirka ka cadayne

Diirsimo halkii aan ahayn waa, siddii danafe

Waxa dunida qaarkeed ka dhacay, dood aan ka idhaahdo

Daayimow Allahayoow adaan, dunida moogayne

Daandaansi ina-aadanaa, loogu dawgalye

Deyn nimaan ka qabin buu nafluhu, daba galaayaaye

Haddii nalagu soo diray khalqiga, Dir iyo Daroodba

Warsangali haddii uu dunjigii, diricyo soo qaatay

Dashiishiyo Majeeteen haddii, deexda laga keenay

Guutada lasoo dumay haddii, nalagu soo duushay

Wax lasoo dadaanshaba haddii, nala dul garriishay

Dildilaaca waaberi hadii, nalagu sii daayey

Annagoon digniin qabin haddii, nala dreensiiyo

Digta weerar qoobkii hadday, dininigtii yeedhay

Dooyada uluufta ah hadday, Daalo kor u dhaaftay

Qaylada daluunta ah haddii, nala dareensiiyo

Degdeg inaan usoo rooro waa, dawlad alabkeede

Ma dul keennay kuman duub cadoo, wada Daraawiish ah

Dirki hadduu kusoo galay xarbiga, aniyo duulkaygu

Dayaaydii horeetaba baqay, dabada taageene

Diigaanyo ciidan ah miyaan, daafta kala raacay

Sidii aar daloombiyi markaaan, ugu dinaahyeeyey

Dullihii shareerraa markuu, dibawga jiidhaayey

Daanyeerku meeshuusan marin, dani ma jeexsiisay

Denbi ma leh cadaawaha ninkii, deli ka xooraaye

Darajuu Ilaahiis ka heli, labada daroode

Dubku iima naxo nimay kufriga, deris wadaagaane

Ferenjiga direyska leh kuwii, diirada u qaaday

Iyaguba dariiqada Alliyo, diinta caasiye e

Waxay noo duleedsheenba waa, doora-weynaha e

Dulmigaan banaanayn kuwii, doofil ugu hiishay

Haddaan daayo waa aniga oo, daawadii furaye

Danabkii rasaaseed miyaan, diillin kaga yeelay

Dareemada ka badan meydka yaal, didibta buureede

Dhiigoodu sida doogsin roob, waysagii duxaye

Dugaagii hilbaha quudan jiray, loo dayaafadiye

Nimanyahow af laba daan leh, baan muranka deyneyne

Daleelaha cidlaa lagama shubo, hadal daleeleede

Ma duqaynay Reer Bari wuxuu, doonayuu helaye

Aniguba dilkoodaan ku helay, libin daboolayde

Daa’irada Eebiyo markii, deeqa nala siiyey

Ma dabaaldegiyo muufahaa, duhur la gaadhsiiyey

Duca awliyaad buu qabaa, degaha Tuurwaaye

Waa niman gaalada deldala, doog iyo abaare

Waa nimanka doofaarradii, daariguu jaraye

Roobkiina waa kaa u da’ay, duraha jiilaale

Waa kaa dalkoodii ballidu, wada duraabtaaye

Waataa arladii daahirtee, diib kasoo kariye

Cawskii dumaayoobay baa, doog kasoo baxaye

Dalagyadiyo dooxooyinkii, diisha iyo qaare

Dunqaarihiyo xamshkaa sidii, diriq la moodaaye

Maalkii diraacdii dhalaa, doobke loo culane

Duunyada wxa laga maalayaa, darartii caanoode

Rabbogii dawaa’iga sidaa, deeqii noo ridaye

Afartaa dujaye bal aan mid kale, deelka ka higaadsho

Aan dabeebti eegana halkay, damacday laabtaydu

Dacwad kalana waa Ina-Mashire, hadal aan deeqsiiyey

Aday deyrshay maantaan ahaa, duri xigaalkaaye

Adigay dafiray sidii anoo, duul shihseeye ahe

Waa taynu dersinaye adaa, daawadii furaye

Doolaalo adigowgu tegay, gaalka duufka lehe

Adigaa dariiqada Alliyo, diinta caasiyaye

Goortaan ku daayana adaa, diiday nabadiiye

Wax dhaaxaan dadaalkaa u maray, celi cidhiidhyoone

Wax dhaaxaan dunqaaraha lahaa,  dib uga soo jooge

Maantaa dubihii kugu dhacaye, duxi ha kaa raacdo

Waadiga dagaagaye sidii, dalow u meertayso

Ama deyrka xidho waa taqaan, dabin Inshaalleeye

Ama doofil qabo caydhi waa, diifta kugu taale

Ama quud dulleeddada ka xaab, dereg haddaad weydo

Ama daaliboo bari, inuu kuu dawaro uunku

Ama duunyo raac noqon cidlaa, kaaga sii darane

Ama doonyihiyo saaxiliyo, Cadan dillaaleyso

Ama dooy u dhoofoo u carar, dal aan la gaadhaynin

Ama dirkiinii carshiga, dogobbadda u raaro

Ama duurgal iyo tuug iyo, dagati uun dhawro

Ama dabada gaal baad tahaye, dacay ha kaa saarto

Ama doora-weynoo baqdaye, dirir us oo joogso


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo