Gabaygii: Looma taag helo

Gabaygan waxa tiriyay abwaan Xasan Xayle waxana ku kalifay nin la odhan jirey Aw-yuusuf ayaa ku yidhi waxaynu aadaynaa Sooomaaliya 1915kii si aad u guursatid gabadh yar , waa adiga habraha guursade e, waana ku adkeeyey, ka dib abwaanku wuxu ku yidhi β€œ aw yuusufow warqad ii qor ,” waxa uu aw yuusuf u qaatay inuu u dirayo walaalkii Yuusuf Xayle oo jira Ingiriiska , wuxuna Xasan Xayle yidhi warqadda waxan ku idhaahdo ku qor waa inaad ku qortaa , wuxuna yidhi

Talo xumo todoba jeer nin falay haatanna u taagan
Oo aan naftiisa u turayn looma taag helo e
Nin tashiga tolkii aan ka maqal tabarna keenaynin
Oo aan wax taaryoonkarayn looma taag helo e

Taag malaha aadmiga ninkii tawstu qabataaye
Taah gaban ah baa loo dhintaa taabashada mawde
Inkastoo qardhaas lagu toxoo culimo loo tuunsho
Haddii mawdku kugu taagan yahay looma taag helo e

Tuun tuunka xoolaha ninkii taabka loo geliyo
Tallaabaduu dhaqaaqaba hadduu tiro macaashaayo
Isagoon tartiib dhaqanin buu taajiraa subaxe
Haduu khayrku kugu soo tacjilo looma taag helo e

Taw tawle aan edeb lahayn lagu tilmaan ceebe
Tuunkii la joogaba hadduu faan ka tirinaayo
Ninka hadalku tuumaajka yahay looma taag helo e

Hadduu wiil tallaabada xarago temeshle tiicaayo
Oo toosan inan doono oo tiriyo maalkiisa
Haddaan meherka lagu soo tixgelin looma taag helo’e

Tuko lagama karo wiil ibleys turub u qaadaayo
Inkastoo tikaab iyo quraan lagu tiraabaayo
Haddaan toobad lagu soo alhumin looma taag helo e

Haddii naagi tiirkay fadhidey loogu tegi waayo
Inkastoo tib weyn lala dhacoo tumaha loo qaado
Waa tacallin ay baratay oo looma taag helo e

Ninkii tiisa kaa buuxsadoo taadana aan yeelin
Oo maalintuu toogo rabo kuu tol noqonaaya
Oo maalintaad taag xun tahay kaaga taga hawsha
Cadowgaan turriinshaha aqoon looma taag helo e

Tiiraanyo iyo ciil ninkii tahan madoobaaday.
Mar haddaanu tumaatiga wadnaha tahar wax dhaafsiinin
Oo aanu xumaanta iska tirin looma taag helo e

Waxba gabaygu yuu ila tegine waxan kusoo teeday
Tabaalada aduunyadu ka fudud taayir neefsaday e
Ilaahay ninkuu toosiyaa taawilaad hela e

Tii eebbeheen waxan ahayn toogo lagu waaye
Waxba hay tetebin Yuusufow taranku meesheede
.

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo