Gabayga: Lis Geel
Gabyaagani waxa uu ka soo jeedaa degmada Buuhoodle ee gobolka cayn wuxuuna ka mid ahaa abwaanadii noolaa qarnigii 20aad horaantiisii ,wuxuu joogay kacaankii daraawiishta laakiin kama mid noqon dadkii salabka u qaaday gumaysiga ee la dagaalamay wuxuu ahaa dadkii dhinaca uga baxay dagaalka .
waxaa la sheegaa dadkii daraawiishta aan raacin iyo gumaysigaba in ay dhibaato kala kulmeen labada dhinacba oo la dhici jiray lana layn jiray abwaankuna wuxuu xoolihiisii ku waayey dulaanka daraawiishtu ku qaaday dadkaas waxaa mar qudha farihiisa laga saaray geel boqol ka badan wuxuuna isaga oo caydh ah oo faro madow wuxuuna go’aansaday inuu jawaab ka bixiyo dhacdadaas oo xeradii madoobayd soo buuxiyo wuxuu isu yeedhay beeshiisii kana dalbay in ay haboon tahay inay diyaar garoobaan wixii salab iyo rag ahna deg deg loo diyaariyo ,abwaanku wuxuu aftahan nimada ku darsaday geesinimo aan caadi ahayn oo lagu yaqaanay degaankana caan buu ka ahaa.
habeenkii la diyaariyey colka duulaya ayuu caruurtiisii u qalay wan uu gaajada kaga reebayey isaga oo u qaybinaya wiilal yar yar oo uu dhalay hilbihii ayuu ooyey wiil afar jir ahaa oo uu dhalay oo la odhan jiray Cige markaasuu tix gabay ah kula hadlay cige oo ku yidhi.
Lista geela caanaha sidii la i ladaabsiiyey
Amaan anigu kaa liqay anfaco laabta ha ii ruxine
Luunkaan ku jiifaa cigow leyl iyo habeene
Aniguba ma laasimin karuur labada gooroode
Waatay ku sii laaqiyeen leda iyo heemaale
Luuf luufooyinkaasaa ina baday lowyahaa jabane
Waa kaan ku liibaani jiray loolkan baxayaaye
Leexada dhow baa eebaheen lacaf inoo goyne
Legan qaado caaawana hurdada waad ku ledeysaaye .
Gabaygan qofkii hayaa ha soo dhamaystira
colkii baa duulay oo soo qaaday geel fara badan waxaana lagu soo dilay wiil uu dhalay saami wanaagsan ayuu saanyadey markaas ayaa waxaa xoolo u soo doontay seediyadii oo jeclaystay xoolaha badan inuu wax ka siiyo hase yeeshee wuu sooryeeyey umase dhaqaajin wax bixin markay labo maalmood joogeen ayuu arkay gabadhii uu qabay oo ka xun seediyada uu qadiyey markaasuu gabay kula hadlay wuxuuna yidhi ,
Dhamow maxamed dheegii san yare dhamacdii reer aadan
Hashii nalagu dhuun jaray intii naga dhaqaaqaysey
Maaraha dhugtiisii hashay dhimatay qoor weytu
Dhuf dhufka iyo cadaadii hashii dhabarku ii hoolmay
Dhiigii saleebaan hashaan dhedada moodaayey
Naagyahay dhalaan laga sasabo waa ka dheerahaye
Dhaaye iyo hadii dirir la xidho uma dhaqaajeene
Dhacadiid nin ii sii rida oon dhaco ha joogteeye
Cidba nimaan u dhiibaa ma jiro dhogor idiinley e
Dhucdan hadalka kaa soo socda aan dhicin ha loo kaadsho
Anna meesha loo dhimanayo iyo dhabarka ha i taaban .
gabaygan ma dhamaystira ee cidii haysa noo soo dira
Saleebaan waa wiilkiisii dagaalka ku dhintay oo uu ku curtay Dhaaye iyo Dirirna waa wiilal uu dhalay oo uu leeyehay hadii la xidho oo ku furo la i yidhaahdo ma yeeleen .
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Raacdayntii: Cumar Ismaaciil Digeed