Aadmiga hawaa lagu larbee, waxa u laacaaya
× Kolba libinta qaar Eebahay, waa u liilgaline
× Qofna lurkiyo ciilkaa bartoo, luun afkaw mariye
× Ragse laqan fariiduu noqdaa, amase waa liide
× Ana labada cayn kuma jiree, laan badhaan ahaye
× Nimaan luggi jabnayn baan ahiyo, xoogga lawyadu e
× Hayeeshee laxaad kuma socdee, laangadhaan ahaye
× Madaxiyo laabtay fayow, oo xiskay ladane
× Waxse kuma lilloobaane, waan garasho liitaaye
× Loog kama qadoo dheefta, ways kaga ladaabtaaye
× Waxaanse luumanayaa majiro, amaan liqaayaaye
× Anoon lag iyo darib quudanayn, subagna leefaynin
× Nin ladaadyo qabataan ahoo, laqanyo haysaaye
× Ma laafaalugdo xoolohoo, waan lexejeclaystaaye
× Anunbaa kuwaygana lunshoo, loofar baan ahaye
× Dadka sidii libaax dhiidhiyaan, wadar u laayaaye
× Hadbase kaanu wada looltanaa, way lagdahayaaye
× Soomaaliyaay liciif baad ka dhigi, laqan ahaantiiye
× Lac midka u yidhaa ceelashee, laaska dhurayaaba
× Ligligiyo wadaamaha kaluu, gadawga laacaaye
× Oo maax lo'yowga u dhurraa, ama laxdiisiiye
× Oo ladaabsi dhaankana xareed, ligica siiyaaye
× Taydana ma liibaanahaa, laayacaa helaye
× Waxba liiga tagay yuu sarmaan, ii ladqabatayne
× Amase yayna lii-liijin say, noo lingaxayeene
× Loolida qarsoon tuug rasaas, nagaga liishaanye
× Waxba liigii tagay yuu sarmaan, noo ladqabatayne
×          Likaacadan horteed baan ogaa, leebbabkay mudaye.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed