Cabdi Galayax Gabaygii : Laanderi

Tunka ayl taleex iyo nugaal timira meshisa
Taalada hargaysa iyo burciyo dacalka buuhoodle
Tariinaha jabuuti iyo intii taano laga gaaro

Toga adari tuulada wardheer tan iyo laas dhuure
Tayin iyo mareeraale iyo wabiga teedkiisa
Togta xamar tafaha jowhar iyo tayga baladwayne

Toobiga wajeer loo maro iyo turuga baardheere
Tuuf iyo quraanyiyo Garah labada tooxood ah
Tuni iyo abgaal iyo hawiye tuurcadiyo booran

Marexanka tuuraha Gedood togo ku maalaayo
Majeerteenka taagtay iyo hartiga turuqa waa wayn leh
Idoorka wada taajiriyo tiirka habar yoonis

Ogaadeenka tamashlaynayoo tiraba loo daayay
Intaas oo aan turaab iyo dhul iyo toll iyo mel sheegay
Ta,da gabay anaa yusufow taarashka u sidaye

Teebka iyo fartaan qoray nafluhu tacajib galiyaay’e
Dadkuna ii tixgalina meshan iyo toban jirkaygiiye
Anigoon todoba gaarin baan taani ku ahaaye

Hayeeshee taqsiir iyo afxumo iima toobana,e
Mana tabaabushayn hadaladaan toos ka soo dhicine
Intii tuhunle iyo ceebna ways kaga turaayaaye
 

           *******
Taasi waa tamad gaarahoo,
Arartaanu taxaynoo
Taraawiixda la moodiyo,
      
Wa tusaala hortoodoo
Taqdiimoo iska dhaafaye
Marhadaan tixda maanso,

Tacliintaan u iqiin iyo
Tartiib teeda bilaabo,
Intaan taalo banaan iyo

Tarsheetooyin la buuxiyo
Turbi dheer la istaago
Meel cidlaa kama tooxe

Sidii faal taladiisiyo
Todobaadka ayaantiyo
Talaatiin xidigood iyo

Nin tafaaful yaqaana
Hadba waa tinguraa
Caawana waygu tahdiiboo

Tankeygii bogan maayo,oo
Tahli waayay warkiiyoo
Luqadii talaf weeyoo

Sidii taangiga galoo
Xabad loo tarbiyastoo
Madaafiicda Talyaani

Tunka loo dhigay aalad
Wax ma toogan karayo
Sidii ruux tabar wayayoo

Berya toogsin ku raagtayoo
Tukubaayo dhulkiisan
Iska ticahayaayoo

Nin taariikha horeetiyo
Magac taama lahaayoo

Berya taajyo kuxirnaayoo
Kursigii laga tuurayoo
Lala soo tartamaayaan

U tariisa ekaaday
Gabaygii tafla meer iyo
Tartarkiisa koreetaan

Ka taataabanayaayoo
Maanigaaba tiraaboo
Wixii laygu tixaamoo

Turaabtaa ka badnaa iyo
Wabiyaashii tusoobiyo
Togii soo furay caawa

Taasina waa tamad gaaroo
Arartaanu taxaynee
Taraawiixda la moodiyo

Waa tusaale hortoodoo
Taqdiimoo iska dhaafaye
Xaalkeer la i toydee

Ama laygu tuhmaayiyo
Taxsiiyaynta qabiilaan
U talaabsanhayaa

Niman aan tagaynoo
Waxba aan tala haynoo
Ragoodiiba tabaynoo

Nina taawili haynoo
Turub layska ciyaariyo
Tuladoo ladhex joogiyo

Timahoo lashanleestiyo
Toxtooxa cidlaa iyo
Anaa kaa tacab roon iyo

Adaan taajir aheen iyo
Tuubaday ka cabaan iyo
Tabdho naska la tuujiyo

Tamash lay ku jiraanoo
Todobaatanka wiiloo
Inta toonta la daadshay

Midba tuurta u yaaliyo
Taanidii cali dhuuxoo
Rag tabaadigii weeyee

Sidii tiir umudnaayoo
Taxtaxaashi ogaayo
Tal xariira aad moodiyo

Wali taahii ma dayninoo
Ku talaalay jirkaygee
Ninkii tuudha ahaayee

Tamcarnaa waligiis iyo
Qojihii tanqalnaa iyo
Tunlibaaxa lahaa iyo

Turqigiisiyo xooga
Turkidaan ku malayiyo

Wali oo toban dhaamiyo
Toosanow abdilaahiyo

Towlanow boqotkii iyo
Taqwigii ka danbeeyiyo
Tahajayn jiray diintee

Taqwadiisa aan yaabiyo
Ragaas aan tirsigiisa
Tayadiisa dhameeyay

Inta meeshan tuuran
Waa tolkay ka dhashenoo
Tabaan caawa u sheegiyo

Wabay aan ku tilmaamiyo
Wax kaloon tusihaayniyo
Tafaasiir uma baahna

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo