• Hararkiyo kabdaha lays dul dhigay, sida haldhaa baalkii
  • Hilibka cusub haydaari wan iyo, sogob la hoogaanshay
  • Hadhuub laban caanaha Hoyaad, halab karuurkeeda
  • Habkaad igu baayici kabahaad, howda kaga yeedhin
  • Habka fudud halkaan yeel ku odhan, hagar la’aantaada
  • Haween baa tahaye adigoon, hadin kobtaan joogo
  • Waa habi la’aan dhuunigaad, hoo i leedahaye
  • Hindisaha Mulaaxaa qalbigu, haabo lee yahaye
  • Haasaawahaan qeybsanaa magac habeenkiiye
  • Adoon i hubsan soortaad haligi, haysku hanaq goynin
  • Haraggayga unbaad arkiye, kuuma soo hoyane

Gabaygan waxaanu ka helnay intan soo dhamays tira


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo