Gabay: Kula Damiir mayhi

**Isku duubni ruux diidayoow kula damiir mayhi
**Dawladnimo qofkii diidayoow kula damiir mayhi
**Cibaada qofkii daayacoow kula damiir mayhi

**Dib u socod qofkii doonayoow kula damiir mayhi
**Dana gaara ruuxii watee shacabka daaduunsha
**Oo cadawga daba roorayoow kula damiir mayhi

**Diintiisa ruuxii gatoow kula damiir mayhi
**Dantii ruuxa aan garaninoow kula damiir mayhi
**Soomaali kii kala diloow kula damiir mayhi

**Kii dunida waaris u filoow kula damiir mayhi
**Kaa madaxa soo duubtayoow kula damiir mayhi

**Daandaasi dood iyo afxumo ficil dayuuseedka
**Duurxul Iyo wixii dibu dhacwada ruuxa daba jooga
**Diradira qofkii doonayoow kula damiir mayhi

**Dabka ruuxa shidayoo islaam nabad u diidaya
**Oo dhuxusha daadinahayoow kula damiir mayhi

**Dalqaafka ruuxii wadee dawya kala haaday
**Oo dawada u falahayoow kula damiir mayhi
**Kii waalidkii dayriyoow kula damiir mayhi

**Dakhar ruuxa gaystoo dafiroow kula damiir mayhi
**Daacadii illaah iyo sharciga ruuxa dhud gooyey
**Oo diinta caayoow anigu kula damiir mayhi

**Dhaqankeena dahabkaa qofkii diidey sharaftiisa
**Oo dalabta yeeshoo lugaha midiba daan joogto
**Oo dabada ay qaawantoow kula damiir mayhi

**Ninka gabadh daruur u eg aroos loogu dalamsiiyey
**Dulmar quruxle diiniyo xaq dhawr deeq allahu siiyey
**Oo aanku deginoow anigu kula damiir mayhi

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Tixraac: Qaryaan Buureed

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo