Gabaygii:ย Kud bari

Gabaygii Kud Bari ee uu tirshay Abwaanku kaadheeri waxuu yidhi:-


Kasmo gabay abwaanada ka tirin, koonkan gudihiisa
Markii ay u wada kaalmadaan, kaatun xidhidiisa
Nin waliba karaankiisu togan, kiilka maansada e
Aniguna mid aan soo kilkilo, amase koolkoolsho
Ka’da mudan ku naaloonshaheed, karadhii suugaanta
Indhawaydba kooraha naxwada, uma kal-xaadhnayne
Ma kashbicinin waayadan murtida, kaamilnimadeed e
Ma karoosin kayd soo ma furin, kooba waayaha e
Kuligeedba waataan banadday, kabanadeediiye
Hadba anoo kitaabkeeda dhigay, yaa laygu kiciyaaye
Markaasaan karkaarkiyo ridada, kaalintoow galiye
Oo aan kamiin iyo durduur, wada kafaysiin e
Maantana kanaalkeedaan furi, kaahna woow shidiyee

Korantaddii aan damiyaan haddeer, kicin matoorkiiye
Karaar qaadashada waan ku dumin, kadab aluubnayde
Kabuubyadda fartaydaan ku mudi, meesha kaaramiye
Kasoobaxa waan koobaabayaa, keenay boogaha e
Kugta maasha soo kuusan baan, gubid ku naafayne
Kaneecadu dadkay hayso baan, Kadi ku daawayne
Ka hortagna badhbaan siinayaa, ka adag duumada e

Kaska leexday maankaa kadmay ee, kabali waydaarshay
Kabog iyo madheedh baan cabsiin, koob uneexo ahe
Kordhis iyo kariir baan u qoyn, kayn galiilo ahe
Kun dawaale baan ugu dhaxdari, wayna kaafiyiye
Kulan lagu midoobay ka dhalan, kaashi nololeed e
Kal u oomanaayoo heloo, kabaya dhuuxooda
Kurdiska iyo kama-naaska ay, Kaankaradu hayso
Ee kula dhexjira baan u karin, Kabatir beerkeed e
Ha yeeshee dadbaan keeno sudhi, koorna soo tubiye

Korkoodaan ku miisaamayaa, kiilo xoog badan e
Koor lagu gartana waa u xidhi, oo ka kolo’ layne
Kunbuyuutar xaaqaan rakibi, kooxda caabuqa e

Afartaa kanoonigaan caliqay, keebka ma tuujay
Ma la helay kudkaan shiishayiyo, kabanadiisiiba
Kudunbuurta yoolkaan ku waday, sow ma kala goynin
Kase gudub ujeedada ku hirro, kala hadh weeyaane

Kana sheeg kalaamkii run ahbaa, been ka qirro waeyne
Kuftinloow kuraantoo baf tidhi, waad ka kacaysaaye
Kub is dhaaf ah bowdadii ku jaban, way ku kabantaaye
Kurbo noqotay qowmiyad kurteed, kayl u tiimbadaye
Hayeeshee kaloorahan dhacaan, sheegi kii wadaye

Cirka oo kalkii hooray oo, karadha soo daayey
Raxmad Eebaheey keenay oon, kala go’ayn waayo
Kalay buuxa dhiijaamo kidh ah, rahu ka dhaaleeyey
Kaymaha caleemoobay iyo, doogga kala seexday
Umad nabad ku daaqdoo xornimo, ugu kifaaxaysa
Oo aan kadeed iyo dhib qabin, kala irdhaysiiya
Oon diin ku kala leexan oo, yahay kitaabkoodu
Kalaamkii Ilaahay ku yidhi, koonka anigaa leh
Kol qudha’ wixii kala furfuray ee, kooxba dhan u caydhshay

Waabay kankoontiyi wixii, kiciyay duufaanta
Markii aan u kuur galay in badan, kadiso waa yaab e
Diiwaanka kaydiya dhacdada, kala rogoon baadhay
Kudkii Bari ka yimid baa kulkiyo, keenay aafada e

Kadha qoriga keeb lagu rogmado, kalafta yeedhaysa
Kumanyaal kurkii lagaga jaray, kuman laxaad beelay
Kumanyaal agoontoobay oon, korin itaalkoodu
Kumanyaal waxay kayd dhigteen, kolonyo waysaaqday
Kala lumidda kuman aan lahayn, kab iyo raad toona
Soomaalida kadeedkaa ku dhacay, kala jabkaa gaadhay
Kudkii Bari ka yimid baa kulkiyo, keenay aafada

Bal inay karaahadu yihiin, koron iblays fuulo
Waa niman kobtii ay tagaan, nabad ka duuf tahaye
Waa niman ku xaasid ah khalqiga, kii lanool abide
Waa niman kitaab been ah marra, kun iyo kow jeer e
Waa niman kadaabnimada helay, koobkii loo dhigaye
Waa niman kobtuu kheyrku yaal, ka anfariiraaye
Kurtun weeye suul kaawiyiyo, nacab ku hoos yaal e
Kabbiinada gumaysiga waqood, kama fogaadaan e

Kolse hadduu kabaalkii la jabay, kaar Allow dayaye
Kabmo li’i haday taagan yihiin, kaamil ladi waa ah
Kax banaana wada kuududaan, oon ku karantiilay
Waa inaan ku tiiqtiiqsadaa, kooxda caabuqa e
Kalmadaa idhaahdaana waa, Kir iyo kooy’ e

Afmadoow Kismaayo iyo Dhasheeg, wabiga kaarkiisa
Kalka xeeb Kudhaadii ku tiil, amase Kaanbooni
Karuurkeeda meeshay barteen, Koonfur iyo Waamo
Hub aan kaga nabaad guuriyaan, keebada u qaban e
Kufri magad leh shaydaan kabtiyi, iyo kama naaska
Kama hadhayo anigoon ku celin, Kaabadii Bariye
Kolaygoodii caydhaan ku rari, kiishaduu dhigay e
Korka qolofta kaad ka guran jirteen, kuraankurtii diinka
Carsaanyadaad ku noolaan jirteen, dib ugu koorseeya

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo