- Kaamiloow kawlaan baan ku fari koriyo hoos dheh
- Koorreey haddaad gaadho iyo kadinka geeleena
- Kambalkiyo duleedkaan rabaa inaad ku sheegtaaye
- Koowkow u tiri hadalladaan kugu karaameeyay
- Taariikhdan soo korodhay baan koobi leeyahaye
- Kansho malaha adduunyaduna waa kadis ku noolow e
- Kiiskii horaan iga dhammaan lays karkabadeeye
- Kor madoow hamoodina inuu uunku kaa xigo e
- Kufaar waa kufaar uun haddana kii cad baa naxa dheh
- Mindiyaha kureed lagu lisaan nidhi na kaalmee dheh
- Kadeed iyo dhib baana dilay dadkii Kenya soo galay dheh
- Kadarna waan ka laadlaadsanahay koriyo buur dheere
- Karkaarkay na waydaariyeen kaalinkii dhexe dheh
- Dadkuna waa nakuufiyo suge, iyo koor wad baw sudhan dheh
- Kibir iyo ciyaar lalama tago meel kiyoosa ah dheh
- Naf kadeedan baa lagu qashaa kaymo bahaleede
- Kalaajiin waxay nagu qasbeen kuudud waaqlada dheh
- Kuman jeelkii baa lagu dhex dilay aan kirna lays odhan dheh
- Kumana waa maxaabiis walina, koodhkii may iman dheh
- Kumana waa haboow uu dugaag duur ku haaligay dheh
- Kumana Dhuudhi baa kaday lugaha oo dhex kuududa dheh
- Boqolkiiba kontan bay dishaa mici Kaneecaad dheh
- Kumanyaalka soo hadhayna xeryahay kololo’eeyaan dheh
- Dumarkiina karreeb dhoofidaa lagu kaxeeyaa dheh
- Kurkaa laga jaraa aabbe nooloo kaynta yuurura dheh
- Labadii is kaalmayn lahayd waayahaa kulul dheh
- Kuurkuursi baa lagu jiraa kuudud bahaleed dheh
- Korkaygana cadhaa lagu salliday kuudud nabareed dheh
- Kaadidana ma celiyaan kelyaha kaydii dabac dheh
- Cudur kama kacaan Aidsna waa laga kurboodaa dheh
- Kariimka waxaannu barinnaa inaan kaasi noo iman dheh
- Karaamadii uu Soomaal lahaa kaadh xun baa gubay dheh
- Dad kalsooni waayey baannahayoo weewe loo kaday dheh
- Kal geeddi baan nahay kolkii waagu kaaho dheh
- Waana nala karbaashaa ulay nagu kaxeeyaan dheh
- Karinna waannu leenahay sidii awr kidhaalaha dheh
- Ninkii koob maharako ah helaa ayaa kiishka buuxsaday dheh
- Kayd waxaannu haynaa cuntada kaabash baa jira dheh
- Kolkol baannu labaleey qadnaa keena madhanleey dheh
- Kuukaayadiina way kacday oo laysku kululaa dheh
- Kurka inaaba faas la isku jaro yey kaabiguu timid dheh
- Nimaam lacagta Kenya lahayn kadinka loo diid dheh
- Kuuja iyo leetta iyo keen kaydkii raamsade dheh
- Jeebkaygu kolay buu u yahay kaydiyaa lacag dheh
- Korkaygaa xafiis looga furay kaambaluushaha dheh
- Kastamkoodu waa boobe iyo kiis la daydayo dheh
Kaydintii: Akademiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed