Haweenay u dhaxday Maxamuud, oo uu xilliga uu gabayga tirinayo dhaliilsanaa, in kastoo ay ubad badan u dhashay, ayuu gabaygan u tiriyey.
- Naagyahay wadnaha kuuma galin, waanadii hore ee
- Weedhaan qalbiga kuugu riday, walafku kaa qaadyee
- Wacdigaan ku faray waadigaan, wagare xaalayne
- Hadaan Weyne kaa qaban asaan, Waaxid kaa celinin
- Walaaliinta ubadkaaga waa, lagala weecdaayee
- Kaa waayay wiilkaaga ood, sidato waa noole
- Waayeel cirro leh weedh xun waa, lagala wabtaayee
- Kaa waayay inaad waalidkay, wax u lilaysaaye elaysaaye
- Wehel culimo kama maarmi karo, aniga oo weyne
- Kaa waayay waysada inaad, wali u qaadaaye
- Dhalinyaro walaanshay hadaan, waabka soo galiyo
- Kaa waayay meel wacan inaad, wagac u siisaaye
- Xigta Weehad laga soo lisiyo, Waris dhanaankeeda
- Kaa waayay weel culan inaad, wax igu siisaayee
- Usgagaa wadara oogadaan, lala wildhaamayne
- Wajigaa la maydhaa markay, waabarkii tahayee
- Ma widh-widho jidhkaan lagu wadayn, weelka dhaashiga e
- Kaa waayay weligay inaan, waana kuu bogo ee …
Intaasaan ka helnay
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii Mr: Cumar Ismaaciil Digeed