Gabaygii: Ka Dhamaystay

Faadumo Dhoorre (Faadumo – xabbado) oo u dhaxdey Ismaaciil ayaa beri cidahoodii oo deggan degmada Ceerigaaho soocdaal ku aaddey. Nin Bile Dalmar la odhan jirey
oo ay gabadha qaraabo yihiin ayaa, dabadeed, Ismaaciil waraaq u soo diray uu ku leeyahay: Ismaaciilow, Faadumo indho danbe saari maysid, haddii aadan ii keenin rag shan kun gaadhaya oo ah kuwii Dariiqo (Daraawiish)wax ku bartay oo fardaha sidii u yaqaan. Wuxuu ku daray«Faadumo maanta adigaa u baahane iyadu kuuma baahna».
Ismaaciil kolkaas ayuu yidhi, «Warqadda Bile barbarka uu wax ku soo qoray mooyaane barbarka kale u roga(barbarkii cadaa ayuu tixdan ku qoray Waxuu Yidhi:-

Madi dhiil lahaan jirtey hadday dhawr gu’ kugu raagto
Dhasha waxaad u maashaba hadday dhoofka ka caddaato
Dhudhubay nirgaha kula hadhaa dheelmatiinnada e

Dhimataye sartaa laga dhistaa yaan dhurwaa cunine
Ka dhammaystay Faadumo dhal iyo dhuubkii quruxeede
Intuu naaska dhoolka u eg iyo dhabanka nuuraayey

Haddii layga dhaco naagta waw dhiman lahaa ruuxe
Dhaar waxaan ku marayaa inaan geli lahaa dhiige
Miyaansaan u dhaxamoonayaa Dhiiman guursadaye!

Murtiyosuugaan

Qalinkii. Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo