Gabaygii:Β Jiiqdaada Quulaha ka Guro
Waa gabaygii mid uu tiriyo ugu danbeeye.<<Siigacase>> abaartii loo bixiyey ee ku aaddan 1951 ayuu Ismaaciil mariyey.Wuxuu kaga hadlayaa,sida gabayga guuguulaha ee aynu soo aragnay,abaarta dadka saabatay iyo waxa dadkii guud ahaan kala soo gudboonaadey.
Intuusan tixda bilaabin ayuu hal uu jeclaa oo soo dalkacay oo darantii iyo dhulkii ay daaqi jirtey u hinganaysa>markaas buu inta iyadii ku halqabsaday Yidhi:-
Qaaliyey adduun kaa qafilan qaabka uu yahaye
Qawlka iyo darantii haddaad u qalbi taageyso
Qabawgii Higlooliyo’ huddaad Quracle dooneyso
Rag ka quusay dooxooyinkaad qaayo ku lahayde
Qallaalkii Furriyo waa abaar qalaxi Geed-dheere
Qoys kama bidhaamaa la yidhi qararki Hoosley e’
Warsengeli wuxuu sii qubnaa Guban qallaalkeede
Qallaafey ka duuleen kuwii Qawlo yuururaye
Cabinaasir qalalaasihii qabey Ogaadeene
Afartaadan qoob iyo candhada qabilka aad mooddo
Oogada qabiirtiyo gollaha qolofta kaa saaran
Qac markaan ku siiyaa indhaha lay qarrariyaaye
Amba quubka waan kula qabaa qarawga leylkiiye
Jiiqdaada quullaha ka guro qiil Allaa bixine !
Murtiyosuugaan
Qalinkii. Mr: Cumar Ismaaciil Digeed