Gabaygii: Jaamac Dayuurad

Abwaan Jaamac dayuurad baa markii Abaartii dhacday dabo-Dheer 1975 baa xaaskiisi ku eedaysay dhibaatada reerka soo gaadhay oo haarantay , markaas isna waa garaysan waayey waxa marwadiisu ugu cadhaysan tahay kolkaas buu gabaygan tirshay oo kaga waramayo waxyaalaha aduunka ka dhacay inay ku eedaynayso siday ugu eedaysay Abaarta markaas taagan waxuu yidhi Abwaanku

Naahooy codkaad xalay lahayd waa cilmila aanne
Cara edeg wax wada taabtay baa ka calmilaysaaye
Caleen doogle lama haysto iyo caano dhamidoode
Nin walibaCiyaalkuu dhaluu la carwa saadaaye.


Cashadaad qadaabaad i odhan cawro waa isaga´e
Cinda laahi wax nooga yimid ha igu caafiyini.


Ma anaa cirkaan di´ilaahaa curashada udiidey 
Ma anaa dhulka cawska jaray coodka lagu foofsho
Ma anaa ariga caatada ka dhigay caano laga waayey
Cadan iyo Berbera ma anaa celiyey beecooda
Ma anaa Cadaan iyo madoow wada colaysiiyey.


Calaqaadka ma anaa ujaray dunidan ciirciirtay
Ma anaa ciriiriga ka dhigay ceeshka iyo soorta.

Ma anaa ceelashii wada qafilay ciriqa baasiinka
Ma anaa kufriga caasiga ah kaga cabaadsiiyey
Carab iyo yuhuud ma anigaa ciidamada laayey

Cali Yusuf ma anigaa qabtiyo caadilkii boqorka
Caad iyo namruud ma anigaa cayrshay labadiiba
Ma anaa dharkeenii cadaa calal guduud dhaafshay

Cadrad gabadh ah ma anaa ganbada caado uga yeelay
Ma anaa dowladeenii casilay caadi noqon wayday
Cududa iyo ma anaa Siyaad ciidanka u dhiibay
Caynaanka hay ma anigaa caalamka maqashiiyey

Ma anaa cidiinii iyo tolkaa kaa casaba gooyey
Cuno ma anigaa kaa qadshay oo ceego kugu dhuujey
Caqli naaqus ma anigaa ka dhigay adiga iyo canykaaga
Cusribaa dhacaye sow yusriga kama cad dhawrayno.

Kaydintii: Murtiysuugaan

Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo