Gabaygii: Iska aamus
Soomaalideenniii hore waxaa caadooyinkoodii ka mid ahayd inay isu gabyaan Marmarka qaarkood waxaa dhici jirÂtey inay gabayadu colaad, dirir iyo iska-hor-imaad soo jiidaan marmarna iyagoon waxbaba keenin ayaa halkooda lagu dhaafi jirey. Reer Hagar iyo Caligeri ayaa intii muddo ah isu gabyi jirey, markaas baa ceelka Laasadaar la yidhaahdo laysugu yimid oo gabayadii laga heshiiyey, ninkii mar dambe gabay maag ah tiriyana waa la xukumay in senge farÂdood laga qaado. Calidhuux iyo Ismaaciil Mire (Caligeri) ayaa – mindhaa midkood gabayadii xadhigga ka furay, marÂkaas baa Aadan – carab (reer Hagar) dhirfay oo tixdan mariyey. Wuxuu yidhi;
isagoo Calidhuux iyo Ismaaciil afÂlagaaddeynaya :
Suulkii laasadaar laysu dhigay suuro noqon waaye
Qawlkii sengaha laga xukumay loo saldhigi waaye
Sandhal weeye nabadday dorraad nala saxiixÂdeene
Siyaadiyo ninkii boqol ji’raa seera – dhaaf noqoye ,
Suufigan Ismaaciil Miriyo saanta’ Calidhuuxa
Sawiriinta reer Caligeraan saro la’aanayne
Salaan iyo Qamaankii’ dhinteey sano wadaageene
Sayid iyo Bidhiidh waa raggay kala sed qaadeene
Odayada sirqaha wada noqdee qaatay sebenkooda
Sallibyada dadkii lagu daree seexashada diiday
Saanreebyadaan aamusay sayncaddaaga’ahe
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed