Maansadii: Barni

Gugu waa Ballaadhane,
Meeshu waa ballida Hawd
Burco meel galbeed ka ah,
Bancawl geeddi iyo
laba Bogox looga sii kaco
Bidixna loo janjeedhsado.
Barni weeye gabadhuna
Ma badnoo da’deeduna


Tobankii u buuxsamay
Toddobadi ku biirtiyo
Bilo raacay weeyaan.
Waa bilan tagoog dheer
Bilicsanoo la jecelyahay.
Deegaanku bari xalay
Billowgii horreetaba
Idahaa baraarugay
Una baaqay naylaha,
Barni way maqleysoo
Waabberi bay toostoo
Bisinkiyo baryo Alley
Ku balleeysay subaxoo.
Baftadeedi xidhatoo
Beerkey ku laashoo
Ma laallaadin boqorkii
Waxay hawl ku baahdaba,
Haddan oo barqa ah dheer
Barni waxay dhex joogtaa
Bulshaweynta dooxada,


Halka rahu ka bu’ayoo
Buuqa isku darayoo
Shimbiruhu bulxamayaan


Biyo muguca weeyaan,
Adhyii oo barqaday baa
Berrimada is wada wadhay
Oo dharag bastood la ah,
Lo’dii baa bannaaxiyi,
Fardo baydda togayaa
Baarkiyo qanaantiyo
Bulkiyo saynta wada ridi,
Barbaarta geela jirataa
Bardooddiyeysa orodkoo
Bowdyo muruqyo adag iyo
Booddada libaaxa leh,
Baad jilicsan iyo doog,
Bar cuddoon nirgaha seexdoo


Isbarkaday dhammaanoo
Bulbusha kurusyada
Neecowdu baalbaashoo,
Markay โ€˜buuc’ yiraahdaan
Ramag baasha dhow iyo
Barbarrada ka joogaa
Baaca dheer tusaayoo
Bogga uga dunuunuci,
Baarqabkuna ilaaliyo


Bidhaan eegid uu yahay
Gaadiidka baayiray
Owraha baruurtiyo
Baaxaddiyo laxaadka leh
Oo boodh iyo gelgelin tegeyoo
Ku baduugay raamsiga,
Barni daawashiyo qurux
Way bogatay maantaas.

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo