Gabayga:Ingiriiska Qaabxume
Maxamed Cumar gabaygan waxuu ku tilmaamayaa sida ingiriiska aduunka loogu galay iyo . jababki soo gaadhay isagaa markaa dhibaato ku hayey dalkeena hada Abwaankua ad buu ula dhacay khasaraha soo gaalka !” gabygana waxaad ka garanaysaa in Abwaanku aad ula socday Aduunka Maxamed Cumar dage waxuu yidhi:-
Ingiriis qabkiyo baanihii, wuu qalmahayaaye
Daarood unbuu qaxar badaye, qaaday dunidiiye
Kuwii qeyro dhaafay haday, qoomamo hayaane
Qabowga iyo nabaduu jeclaa, yaa la qoonsadaye
Qaribaada duulkii lahaa, qado mahaystaane
Waa qaran bax gaalada ninkii, ugu quwad roonaaye
Jarmalkii qasaaraha jeclaa, qaaday dunidiiye
Ka quusay qooriga Suweys, qabashadiise
Maraakiib qafilan baa badweyn, looga soo qaxaye
Qabro sheegadkii lawaa, loo qodhlayn jiraye
Raaciyo haddey qaabileen, qalab la’aaneede
Qabkii Musaliini ha gudhee, qaaliga ahaaye
Qalalaasihii lagu dhigeey, qabaxdi raaceene
Faransiis ma qaalana siddii, Paris loo qodaye
Quruumaha hortooduu ayaan, qubay silaaxiiye
Qeyrada Islaam marbaa, qeyr usoo dagiye
Qoladaa ku jira Eebaheey, hayna qaalibe e!
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed