Gabayga:Indho-badane
Gabaygan isna waa damaashaad iyo rayraynta ah ee ka mid ahaa gabaygii uu Maxamuud Cali-beenaley oo Ogaadeen (reer Isaaq) oo goortii uu ciidan badan oo reer Isaaq ah abaabulay oo waliba sii qeybiyey geela lagu duuli doono ee Ciidagale/ Habar-Awal sidii loo kala qaadan lahaa intaan la soo dhicinba. markaas ayey duullaan culus ku qaadeen oo ka soo dhaceen geel fara badan oo isna ku caanbaxay Indho-badane oo kaga dabaaqayo geelii hore looga dhacay ee Dhalmabadane.Ka dibna Maxamuud wuxuu tiriyey maansadan dheer oo aan intan yar ka hayno oo uu kaga jawaabayo gabaygii Ismaaciil xirsi(Aflow) Wuxuu yidhi:-
Ilmadiid ma fiicnee tolkay, maysku wada oogay
Laba Aadan iyo Nuur Ayuub idanki, maw dhiibay
Abaanduulihii Muxumed Gool, ubaxa maw saarey
Ma addayney eyrooy jidkuu, abadhku qaadsiiyey
Ilaalada ma loo direy halkii, lagu itaalaayey
Ma soo aragtay dhuur-aaddaney, araddaday joogtay
Ilayskiyo dabkay noo shideen, gelin ma sii aadney
Anoo salalay Aaskoo dam yidhi Olol ma ii kaahay
Oogtiyo dabkay ii shideen, galin ma sii eegtay
Libdhada oo in dheer le’eg miyaan, weerar ku ekeeyay
Ma unkaday jigraha aaddan, iyo ulayar maadhiinku
Ma ikrimay nin aardoonayaa, uurnugeyl ma lehe
Abeesaale iyo qoorbidaar uuro mays qabatay
Ma adkaaney erigii horey, ku ishiqaateene
Ma ajalay nin aar doonayaa, uur nugayl ma lahe
Ma irkaagay Iidoor wuxuu, eeday baa helaye
Kuman uguba kuman uur leh, iyo kuman ilwaad-guun ah
Iyo kuman ilweyntiyo duqiyo, aarankiyo qaanka
Iyo Kuman abaartii dhaloo, ubadka loo maalo
Iyo kuman intay igadh yihiin, laga unuungooyey
Iyo kuman abeereeyey oo awrta la ciyaarta
Iyo aragsamoow baarqabkii, ayra lagu qooqshay
Intaasoo kun wada ayniyaan, ku eryey qaadhkiiye
Iinsha-Allaahuye intii ka hadhay, baan ururin doonaaye
Sidi Janan albaabada xidhoo, eemar laga dhawri
Ama sida ammaradii horee, Adari oo koodhay
Ama awlal malab oo shininadi, uumi uga yaacday
Nin arkaa asheed maalintaan, wadanay eeraaane
Awaleyda waa tay lahayd, ololka muunayse
Haddii ay itaalkeed hayaan, naguma eegeene
Aashaa wad mooyeen, Cillaan orodkii maw diidnay
Iyadoo aleemo leh miyaan, aayar daba-luudnay
Ayax iyo sidii daad miyaa, layga amakaagay
Ingiriis miyaa lagu matalay, aalladdaan wadanay
Iidoorki saw sida tukaha, kuma ag meereysan
Indhabadane nimankii lahaa, ududsan maayaane
Waxaa geela aanaysan jirey, ubaxa Daaroode
Awal horeba kuma aadanayn, adhi-fadh Iidoore
Ergisaad u hayseene haw, uur xumaanine
Inshaa Allaahu kii hadhayna, waan urursanaynaaye
Idahaaga dhaqo geel ninkii, odey lahaa raacye,
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed